U bood dhigaalka

Dalkii Ugu Horreeyay ee Yurub Ku Yaalla oo Dacwad Kusoo Oogaya Israa’iil

Dowladda Spain ayaa sheegtay inay ka codsan doonto maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay inay ku biirto kiiska Koonfur Afrika ee ku eedaynaya Israa’iil inay xasuuq ka geysatay marinka Gaza.

“Hadafkeena kaliya waa inaan joojino dagaalka oo aan horay u sii wadno hirgelinta xalka labada dowladood,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Spain Jose Manuel Albares.

Xukuumadda Spain waa waddankii ugu horreeyay ee Yurub ah ee codsigaas sameeya, isagoo ku biiray 12 waddan oo kale.

Koonfur Afrika ayaa dacwadda horgeysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda sannadkii hore, iyadoo ku eedaysay Israaiil, inay ku kacday xadgudubyo ka dhan ah, heshiiskii Qaramada Midoobay ee Xasuuqa ee sannadkii 1948-kii.

Maamulka Israa’iil ayaa dhinaceeda ku doodaysa inay ka falcelinayso weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil bishii October 7-deedii, isla markaana ay doonayso inay dib u soo furato maxaabiista laga haysto.

Spain, iyo dalal kale oo reer Yurub ah, sida Ireland iyo Norway ayaa ku biiray dalalka aqoonsaday Falastiin, kuwaas oo haatan kor u dhaafaya illaa 140 waddan.