U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jubbalanad oo Tababar usoo Xiray Ciidamo Kamid Noqonaya Daraawiishta

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tababar ugu soo xiray Dugsiga tababarka Ciidanka Darawiishta Jubaland cutubyo ka tirsan guutada guutada Birjeex ee Ciidamada Darawiishta Jubaland.

Guutadan oo muddooyinkii u danbeeyay uu tababar u socday ayaa diyaar u ah howlgalo ay dhawaan Ciidamada Jubaland billaabayaan oo ka dhan ah kooxda Alshabaab sida lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweyne Ahmed Madoobe ayaa u mahad celiyay sarakiisha iyo askarta tababarka dhamaystay iyo macalimiinta Dugsiga tababarka dadaalkii ay ku bixiyeen sidii ay usoo saari lahayeen ciidamo jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaar u ah dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab, asagoo sheegay in howl-gallada dhawaan bilaabanaya ay ciidankani laf dhabar u yihiin, isla markana guulo wax ku ool ah ay keeni doonan.

Si kastaba ha ahaatee Jubaland ayaa mid ah kamid ah dowlad Goboleedyada ay deegaanada badan kaga suganyihiin kooxda Alshabaab, waxaanay la filayaa in dhowaan uu ka billowdo guluf ciidan oo ka dhan ah Kooxda Alshabaab.