U bood dhigaalka

Danjire Ridwaan oo Dhambaal uu Ka Siday Madaxweyne Xasan Gaarsiiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona Baqdaad Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.

Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah sii xoojin doono.

Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horay u soo ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Xariirka labada dal ayaa ah mid qoto dheer oo siyaasadda ahaan ku dhawaad qarni jira, ganacsi ahaana kumanaan sano soo jiray oo illaa xilligii aashuuriyiinta ku abtirsan kara, sidoo kale labada dhinac waxay wadaagaan dano dhinacyo badan.