U bood dhigaalka

Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay safiirka Britain

Oktoobar 11, 2026

Muqdisho – 11-ka Oktoobar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ku qaabilay safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya, Charles King.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo safiirka Britain ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Midowday ee Britain.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin mudnaanta labada dal, danaha ay wadaagaan iyo sii wadista wada-shaqeynta lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Kulankan ayaa mar kale muujinaya muhiimadda uu xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Britain u leeyahay iskaashiga dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar dalka ka hanaqaada.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in kulanka lagu adkeeyay sii wadista iskaashiga labada dal iyo horumarinta arrimaha ay danaha wadajirka ah ka leeyihiin.