U bood dhigaalka

Ciidan Israel oo Todobaad Gudihiisa Qaaday 60 Weerar oo Lagu Beegsaday Xeryo Qaxooti

Ciidamada Isra’iil ayaa 63 weerar ku qaaday xerada qaxootiga ee Nuseirat todobaadkii la soo dhaafay oo kaliya, waxaana ku dhintay ugu yaraan 91 falastiiniyiin ah, halka 251 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta Qasa.

Militariga Israa’iil ayaa duqeymo iyo weerro tooska ah si aan loo meel dayin ugu beegsanaya goobaha barakacayaasha ee marinka Qasa, waxaana halkaas si maalinle ah ugu dhimanaya maato aan waxba galabsan oo haween iyo carruur u badan.

Maamulka tel Aviv ayaa u muuqda mid ku guuldarraystay dagaalka Qasa oo bishii 10-aad oo xariir ah socda, hoggaanka ciidanka iyo xukuumadda Netanyahu ay dhowr jeer isku maandhaafeen ujeedada dhabta ah colaadda ay ka wadaan marinka go’doonsan ee Qasa.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay diri doonto gorgortan si ay dib u billaabaan wada-hadallada is-weydaarsiga maxaabiista, balse ma uusan cayimin halka ay u diri doonaan ergadaas.

Maalmo yar ka dib weerarkii dhuufaanta Aqsa ee ay xamaas ku qaaday Israa’iil Netanyahu iyo golihiisa dagaalku waxay duullaan dhulka ah ku qaadeen Qasa, asagoo sheegay inay muddo kooban ku soo afjari doonaan dhaqdhaqaaqa Xamaas, balse 10 bilood ka dib oo ay 40 kun oo Falastiiniyiin ah, kumanaan saraakiil iyo ciidan Israa’iil ah, tel Aviv wax natiijo ah ma hayso, waxayna dhex maquuranaysaa fashil dhan walba le