U bood dhigaalka

Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Ninkii Gobolka Mudug Ku Dilay Macalinka?

Jimcihii la soo dhaafay waxaa deegaan hoostaga degmada Jarrriiban ee gobolka Mudug lagu diley Xamse Muuse Ducaale oo kamid ahaa barayaasha wax ka dhiga dugsiyada gobolkaas, waxaana falkaas la sheegay inuu geystay nin lagu magacaabo Axmed Maxamuud Maxamed.

Gacan ku dhiiglaha oo la sheegay in eheladiisa ay laamaha nabad-galyada gobolka u gacan geliyeen ayaa la geeyay magaalada Gaalkacyo, waxaana lagu xiray saldhigga dhexe, sida ay shaaciyeen booliiska gobalka Mudug.

Alle ha u naxariistee macalin Xamse Muuse Ducaale ayaa lagu dilay deegaanka Seemade ee Degmada Jariiban oo uu ka ahaa macalin iyo shiikh, waxaana habeenkii labaad meydkiisa lagu hayaa tallaagad, iyadoo la sugayo ehelkiisa oo ka imaanaya magaalada Boorame ee Xarunta Gobolka Awdal.