U bood dhigaalka

Gobolka Mudug oo Lagu Qabtay Kulan Looga Hadlayay Xalkagaarista Colaad Beeleeyada Gobolka Ka Dhaca

Masuuliyiinta maamulka Puntland oo uu ugu horreeyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha Puntland, Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug iyo Guddoomiyaha Degmada Tawfiiq ee Gobolka Mudug ayaa deeganka Buq-qallooc kulan qado sharaf kula yeelashay maamulka gobolka Mudug ee Galmudug oo ugu horreeyo Guddomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, Guddoomiyaha Degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug iyo Taliye Kuxigeenka Ciidamada iskudhafka gobolka Mudug.

Kulankaan oo ahaa kii saddexaad ee masuuliyiintu isugu yimaadaan ayaa daarnaa xal-u-helida colaadda beelaha Bariga Gobolka Mudug iyada oo masuliyiinta maamulku ay ka kawada hadleen sidii loo damin lahaa loona kala dhexgali lahaa beelaha dirirey.