U bood dhigaalka

Fanaanadda Asma Saaban oo Isdishay

Wararka ka imaanaya magaalada Hargaysa ee caasimadda Soomaaliland ayaa sheegaya in Caawa ay halkaas ku geeriyootay Fannaanadda Asma Saban ka dib markii ay is dishay ama ayadu gacanteeda is daldashay.

Fannaanadan da’yarta ah ayaa ka mid ahayd Kooxda Xiddigaha Geeska oo ay hooballo badan oo reer Soomaaliland ahi ku mideysanyihiin, lamana oga sababta ka dambeysa inay is daldasho oo nafta is dhaafiso, islamarkaana ifka Aakhiro ka doorato.

Allaha u naxariistee Asma Saban oo kamid ahayd fannaaniinta Soomaalida kuwa ugu taageerada badan oo heeseheeda aad loo dhageysan jirey ayay geeridoodu keentay hadal-hayn xooggan oo baraha bulshada ka socata iyo weydiimo ku aaddan sababta ku qasabtay inay nafta iska jarto.