U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sheegay Inaan Cidna Kursiga Madaxtinimo Isku-dhajin Karin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh oo ka hadlay hannaanka Dimuqraadiyadda iyo qori isku dhiibka madaxtinimada dalka ayaa sheegay inaysan cidina kursiga isku dhajin karin, islamarkaana asagu aanu diyaar u ahayn muddo kororsi, xaqna u lahayn.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray inuu horay dalka u soo maamulay dadweynaha Soomaaliyeed ay marqaati ka yihiin inuu xilka si nabad-galyo ah u wareejiyay, haddana uu sidii oo kale damacsanyahay oo boob doorasho iyo waqti dheeraysi midna aan ku fakarayn, qorshahana ugu jirin.
Dhanka kale wuxuu carrabka ku adkeeyay inay doorasho qof iyo cod ah dalka ka hirgelin doonaan, islamarkaana laga guuri doono hannaankii hore ee doorashada dadban oo xilligiisii la dhaafay, islamarkaana loo baahanyahay in laga gudbo.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalin ka hor ay golaha wasiirradu ansixiyeen laba xeer oo kala ah xeerka doorashooyinka iyo midka axsaabta siyaasadda dalku yeelanayo, kuwaas oo hagi doona doorashada soo socata.