U bood dhigaalka

Maxay Ka Cabanayaan Wadayaasha Mooto Bajaajka oo Muqdisho Iskusoobaxa Ka Dhigaya?.

Waxaa maanta magaalada muqdisho gaar ahaan wadada Makka Al-mukarama dibedbax ka dhigey qaar kamida wadayaasha gaadiidka loo yaqaanno bajaajta, todobaadkii horena sidaas oo kale ayay bannaanbax cabasho ah ugu qeybteen isla magaala madaxda dalka.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in lagu kordhiyay canshuuro cusub oo aanay awoodin, sidoo kalena qidmadkii ay oggolaanshaha darawalnimo ku bixin jireen(license-kii) qeymihiisu aad sare ugu kacay oo lacag badan lagu biiriyay intii hore loogu goosan jirey.

Wasaaradda maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir midkoodna ma shaacin in la kordhiyay canshuurtii gaadiidka, gaar ahaan mootooyinka, balse wadayaasha bajaajyada ayaa sheegay in culays aanay awoodin la dul saaray, ayagoo markii horeba maalin dhaaf u shaqaynayay.

Wadista mooto bajaajka ayaa xirfad shaqo u ah kumanaan dhallinyaro ah oo noloshooda midda qoysaskoodaba, balse waxay la kulmaan caqabado uu cariiriga waddooyinku ugu horreeyo, canshuur aysan awoodin haddii la saarayna waxaa habboon in loo garaabo oo cabashooda la xalliyo sida uu dastuurka dalku qabo.