U bood dhigaalka

Jubbaland oo ka soo horjeesatay Hannaanka Canshuuraha iibka.

Sheeko:War

Wasaaradda Maaliyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka soo horjeesatay in hannaanka canshuuraha iibka deegaannada maamulkaas laga hirgeliyo, ayadoo sheegtay inaan wax wada-tashi ah lagala samaysan arrintaas sida lagu tibaaxay war qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay.

Sidoo kale Wasaaradda maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha Jubbaland ayaa sheegtay inay hannaankaasi uu abuuri karo is dhacyo dhinaca maamulka dhaqaalaha ah, islamarkaana uu ka hor imaanayo madax-bannaaninada awoodda canshuur qaadista dowlad goboleedyada.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday canshuur cusub oo laga jari doono dadka wax kala iibsanaya, taas oo 18-ka bishan dhaqan-gelaysa, balse ganacsatada waaweyn qaarkood, siyaasiyiin, dowlad goboleedyada Jubbaland ugu horraysa, iyo dadweynaha intiisa badan ayaa walaac ka muujiyay arrintaas.