U bood dhigaalka

Bajaajleyda Muqdisho oo ka jawaabay Cabashadii ay ka xalisay Wasaaradda Gadiidka

Qaar kamid ah darawalada Mooto bajaajyada ee magaalada Muqdisho ka shaqeysta ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Somaliya ee hoos loogu dhigay qiimaha lagu qaato Leysinka.

Tiro kamid ah dhallinyaradad mooto bajaajta oo la hadlay warbaahinta ayaa wasaaradda gaadiidka uga mahadceliyey sida ay uga garaabtay dhibaatada ay ka cabteen darawalada Mooto bajaajyada.

“Wasaaradda Gaadiidka aad iyo aad ayey u mahadsan tahay, maadaama codsigii mootaaleyda laga soo jawaabay lagana dhigay lacagta leysinka 106.5 Dollar” ayuu yiri mid kamid ah mootaaleyda oo la hadlay Goobjoog TV.

Mid kale oo kamid ah mootaaleeda ayaa yiri “ Ganaaxii 50 Dollar ahaa waxaa laga dhigay 5 Dollar, halka leysinkii 300 ahaa laga dhigay 106.5 Dollar waa uga mahadcelineynaa wasaaradda gaadiidka”.

Sidoo kale darawal kale oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri “ Waa uga mahadcelineynaa wasaaradda gaadiidka sida ay u caawisay dhallinyaradii dhibka ku jiray ee ku fakaray inay dalka isaga tahriibaan”.

Darawal kale oo isna la hadlay telefishinka Goobjoog ayaa agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Bashiir Macallin Cali Xasan uga mahadceliyey sida weyn ee uu u garab istaagay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibka heystay.

Darawalada Mooto Bajaajka ayaa banaanbaxyo cabasho ah ka dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho iyagoo sheegay ineysan awoodin lacag ku dhow $300 oo laga qaado marka la dalbanayo leysinka gaadiidka.
Halkaan hoose ka daawo fikradaha dhallinyarada