U bood dhigaalka

Halis nabad-gelyo oo ganacsatada soo food saartay iyo tillaabooyin dowladda looga baahanyahay

Ka dib dhaqan-gelintii hannaanka canshuuraha iibka oo wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan soo rogtay waxaa soo baxayay hanjabaado iyo digniino adag oo kooxda Al-Shabaab ay ganacsatada ujeedinayaan, ayagoo ka dalbanaya inay ka baaqsadaan u hoggaansanaanta qorshaha dowladda iyo hirgelinta hab canshuureedkaas.

Ganacsatada intooda badani dheg jalaq uma siin digniinahaas ayagoo isku hallaynaya, kuna kalsoon in dowladdu ay amnigooda ilaalinayso maadaama ay yihiin canshuur bixiyaha ugu weyn ee dalka, balse waxaa muuqata in kooxda ay billowday cinqaab adag iyo duullaan ka dhan ah ganacsatada, ayagoo 25-kii bishan dab qabadsiiyay qeybta ugu ballaaran ee suuqa deegaanka ceelaha biyaha.

Sidoo kale ciidanka dowladda ayaa todobaadkii hore ku guulaysatay inay ka hortagaan dhowr qarax oo la damacsanaa in la soo geliyo gudaha Muqdisho, islamarkaana waxyeeladda ugu badani ay dadweynaha iyo ganacsatada ka soo gaari lahayd.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa digniin ay dadweynaha Soomaaliyeed u direen waxay ku sheegeen inay maalmo yar gudahood lacagohooda ugala baxaan bankiyada qaarkood oo ay ku tilmaameen dambiileyaal gacan siinaya dowladda, islamarkaana xogta iyo dhakhliga dadweynaha u gudbinaya.

Ganacsatadu waxay horay u joojiyeen inta badan lacagihii ay kooxaha hubaysan u diri jireen si ay naftooda uga badbaadsadaan, waxayna u hoggaansameen cadaadiskii dowladda ay dhaqaale ahaan kooxahaas ugu wiiqaysay, waxaana ka dhashay halis nafeed iyo burbur hantiyeed oo ay ganacsatada u soo dhabar adaygeen.

Inkastoo ay ciidamada qalabka sida ee dowladdu u diyaarsanyihiin ka hortagga falkas oo nabad-gelyo darro keeni kara, haddana waxaa loo baahanyahay tillaabooyin dheeraad ah oo lagu ilaalinayo nafta iyo maalka ganacsatada oo hadda u muuqda in lagu bartilmaameedsanayo sababta ay dowladdooda ugu hoggaansameen oo canshuuraha u bixinayaan.