U bood dhigaalka

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), waxaana kulanka goobjoog ka ahaa taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Shiikh Muxudiin iyo la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha.

Labada masuul ayaa ka wadahadlay horumarinta xarriirka iyo wada-shaqaynta Soomaaliya iyo Mareykanka, ayadoo xoogga la saarayo iskaashiga amniga iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhanka ah kooxda Alshabaab sida lagu sheegay war ay baahisay wakaaladda wararka ee SONNA.

Howlgalka AFRICOM ayaa qeyb ka ah dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee dalka ka socda, ayagoo kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee ciidamada dowladda taageera.

Goobjoog.com