U bood dhigaalka

DEG DEG: Dowladda Soomaaliya oo beenisay in ay hakisay duulimaadyadii Baydhabo

Sheeko:War

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay in dowladda Soomaaliya ay hakisay duulimaadyadii aadi jiray Garoonka magaalada Baydhabo ee ka bixi jiray Aadan Cadde.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hay’adda ayaa lagu beeniyay warka ku saabsan xayiraad la saaray duulimaadyo u socday Baydhabo Saaka.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba”ayaa lagu yiri war kasoo baxay hay’adda.

Saacaddihii lasoo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday in dowladda Soomaaliya ay joojisay duulimaadyadii aadi jiray Baydhabo oo dad badan ay ku xayiran yihiin Garoonka.