U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb-galay Janaasada Shiikh Maxamed Shiikh Cabdullaahi Ibraahim Baardheere

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay salaadda Janaasada ee lagu dukaday Allah u naxariistee Marxuum Sheekh Maxamed Sheekh Cabdilaahi Sheekh Ibraahim Baardheere oo maanta maydkiisa la keenay Muqdisho.

Mudane Xamsa ayaa marxuumka ku sifeeyey intii uu noolaa in uu ahaa daaci kaalin wayn ka qaatay nabadda iyo barashada diinteenna Suubban ee Islaamka, isagoo intaas ku daray in Sheekhu ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ugu caansan, gaar ahaan dariiqada Sheekh Cabdullaahi Baardheere oo laga yaqaan guud ahaan dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle SWT uga baryay in uu marxuumka jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, ehelkiisa, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.