U bood dhigaalka

Xukuumadda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Jadwalka Doorashooyinka Qaranka

Oktoobar 15, 2026

MUQDISHO (Goobjoog News) — Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay jadwalka uu shaaciyey Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaas oo la xiriira qabashada doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo tan Madaxweynaha dalka.

War-saxaafadeed ay Khamiistii soo saartay Xukuumaddu ayay ku sheegtay in jadwalkani yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegtay in 18-kii bilood ee la soo dhaafay ay wadday dadaallo wadatashi iyo wada-xaajood oo ay ku doonaysay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliyeed ay isula meel dhigaan arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka.

Waxay caddeysay in wada-tashiyada iyo wada-xaajoodyadu ay sii socon doonaan, iyadoo sheegtay inay ku dadaalayso sidii ay u horseedi lahaayeen is-afgarad ballaaran oo ay gaaraan dhinacyada siyaasadda.

Xukuumaddu waxay tilmaantay in soo dhoweynta jadwalka doorashooyinka iyo sii wadidda wada-xaajoodyadu ay yihiin laba dadaal oo is-dhammeystiraya, kuwaas oo ay ku sheegtay inay qayb ka yihiin mas’uuliyadda dowladda ee ilaalinta xasilloonida dalka, xoojinta midnimada qaranka iyo xaqiijinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran leh uga qayb qaataan wadatashiyada, isla markaana ay iska kaashadaan qabashada doorashooyin nabdoon oo xoojiya kalsoonida shacabka iyo mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya.