U bood dhigaalka

Warbaahinta Masar oo billaabay barnaamijyo lagu taageerayo iskaashiga Soomaaliya iyo dalkaas

Warbaahinta dalka masar ayaa billaabay barnaamijyo joogto ah oo ay ku taageerayaan heshiiska militari ee Soomaaliya iyo Masar, ayagoo baahinaya faallooyin iyo warbixinno ay cinwaan u yihiin Itoobiya way burburaysaa, Masar walaaleheeda iyo saaxiibadeeda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Eritrea, Abii Axmed wuxuu jahwareeray iwm.

Xogaha qaar ay warbaahin dalka Masar tabinayo ayaa waxaa ku jira in xukuumadda Qaahira ay maraakiib gargaar militari ah u dirayso Eritrea si lamid ah hubkii ay muqdisho keentay, sidoo kalena ay dhisayso isbahaysi xooggan oo ka dhan ah maamulka Abii Axmed.
Inta badan dadka ka faocelinaya baahinta wararka iyo barnaamijyada ku saabsan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ayagoo dareenkooda muujinaya baraha bulshada ku qoraya “Illaahay ha xafido Masar iyo Soomaaliya”, “Itoobiya ha jabto iwm.

Faallooyinka qaar oo ay TV-yada dalkaas ugu waweyn iyo dadka caanka ahi faafinayaan ayaa tilmaamaya in masar ay diyaar u tahay inay dagaal buuxa la gasho Itoobiya oo xiisad dhinaca webiga ahi kala dhexayso, haddana doonaysa inay badcas saamayn ku yeelato.

Si kastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqa Masar iyo isbaheysiga seddaxda dalka ee Soomaaliya, masar iyo Eritrea ayaa dhabarjab ku ah xukuumadda Addis Ababa oo albaab walboo diblumaasiyadeed iyo mid iskaashiba ay ka soo xirmeen, islamarkaana ku jirta go’doon caalami ah.