U bood dhigaalka

Kooxo ciyaal weearo ah oo ka dilaacay magaalada Qardho iyo bulshada deegaanka oo walaac ka muujinaya

Qaar kamida ganacsatada iyo dadweynaha ku nool magaalada Qardho ee gobolka bari, dhanka Puntland u ah caasimadda gobolka karkaar ayaa sheegaya in kooxa ciyaal weero ah oo abaabulani ay halkaas ka dilaaceen.

Ganacsatada magaalada ayaa Warbaahinta u sheegay in goobahooda ganacsigu ay ay wajahayaan weeraro joogto ah oo uga imaanaya kooxo ciyaal weero ah oo mindiyo ku hubaysan, waxayna baaq u direen laamaha nabad-gelyada Puntland.

Kooxahan ciyaal weerada ah ayaa la sheegay inay xaafad xaafad isku beegsanayaan, islamarkaana ay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo goobaha gabacsigaba si aan kala sooc lahayn weerarro u dhibaataynayaan.

Hannaan burcadnimeedka ciyaal wareerada ayaa sanadihii 2022 iyo 2023 ka dilaacay magaalada Muqdisho, balse waxaa haatan muuqanaysa inuu ku baahayo gobollada dalka.