Madaxweyne Xasan Sheekh oo Itoobiya ku eedeeyay ku tumashada shuruucda Midowga Afrika
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Soomaaliya ayaa cambaareeyay habdhaqanka dowladda Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya ay ku xadgudubtay xeerarka iyo hab-maamuuska Midowga Afrika.
Waxaa uu sheegay in Itoobiya aysan isku heli karin inay xarun u noqoto Midowga Afrika, isla markaana ay xadgudubyo ku kacdo.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya aysan aqbali doonin in dowladda Itoobiya ay ku takri-fasho sharciga Midowga Afrika, waxaana uu ugu baaqay madaxda kale ee Afrika inay arrintan ka fiirsadaan si ay u hubiyaan in xarunta ururka loo maamulo si siman.
“Itoobiya iskuma heli karto inay ahaato Xarunta Midowga Afrika iyo inay ku tumato Cahdiga Midowga Afrika”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa hadda khudbad u jeedinaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.