U bood dhigaalka

Dad Itoobiyaan ah oo lagu diley magaalada Guriceel

Sheeko:War

Wararka ka imaanaya magaalada guriceel ayaa sheegaya in la diley nin Itoobiyaan ah oo ka shaqaynayay goob biraha duugga ah lagu aruuriyo oo ku taalla halkaas, waxaana sidoo kale toogashadaas lagu dhaawacay nin kale oo asna Itoobiya ka soo jeeda.

Raggan ayay wararku sheegayaan inuu weeraray nin ku labisan tuutaha ciidanka dowladda, balse aan illaa hadda la xaqiijin inuu askari rasmi ah yahay iyo in kale, lamana oga sababta keentay dilka soogalitan ka xoogsanaysay magaalada Guriceel.

Boqolaal muhaajiriin ah oo ka yimid dalka Itoobiya ayaa ku sugan gobollada bartamaha, waqooyiga iyo meelo kale oo kamid ah dalka, kuwaas oo dadka deegaanku aysan mararka qaar hab-dhaqankooda jeclaysan.