U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Soo Saartay Amar Soo Qabasho Madaxweynaha Jubbaland

Maxkamadda Gobolka Banaadir, gaar ahaan Qeybta Ciqaabta, ayaa soo saartay amar culus oo ku saabsan soo qabashada iyo horkeenista eedeysane Axmed Maxamed Islaan, oo sidoo kale loo yaqaano Axmed Madoobe.

Amarkan ayaa la xiriiriyay kiisas culus oo lagu eedeeyay, kuwaas oo khatar weyn ku ah midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Qoraalka maxkamadda oo ku asteysan sumadda MGB/DCL/1531/2024, ayaa lagu sheegay in amarkan lagu soo saaray kadib codsi ka yimid Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyadoo eedeysanaha lagu tuhunsan yahay inuu galay dambiyo waaweyn oo ay ka mid yihiin:

  1. Khayaano Qaran – falal liddi ku ah midnimada qaranka Soomaaliyeed.
  2. La shaqeynta dalal shisheeye – iyada oo la sheegay inuu ku lug lahaa ficillo wax u dhimaya qarannimada Soomaaliya.
  3. Falal ka dhan ah dastuurka iyo nidaamka dalka – oo khilaafsan qodobo muhiim ah oo ka mid ah Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (Qod. 184, 186, iyo 217).

Maxkamadda ayaa ku wargelisay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed inuu fuliyo amarkan si degdeg ah, oo eedeysanaha loo horgeeyo maxkamadda si waafaqsan sharciga dalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay lagama maarmaan tahay si loo ilaaliyo danta guud iyo jiritaanka qaranka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamed, oo saxiixay amarkan, ayaa adkeeyay muhiimada fulinta amarada sharciga ah si loo xaqiijiyo in cid walba oo lagu helo falal wax u dhimaya qaranka lala xisaabtamo, iyadoo loo marayo nidaamka sharciga ah.