U bood dhigaalka

Dagaal dib uga bilowday deegaanka Dacawaleey

Sheeko:War

Deegaanka Dacawaleey ee gobalka Jarar ee dowlad deeyaanka Soomaalida waxaa dib hadda uga bilowday Dagaal xooggan oo udhaxeeya ciidanka Liyuu Booliis iyo maleeshiyo beeleed.

Sida ay xaqiijiyeen Goobjoogayaal dagaalka ayaa la isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan ayaa dib u bilowday saakay xilli lagu guda jiray xalinta dagaalo horey uga dhacay deegaankaasi waxaana bur buray waan waantii nabadeed ee socotay maalmahaan.

Ciidanka Liyuu Booliiska ayaa la sheegay in ay weerarka soo qaadeen ayna doonayaan in ay soo afjaraan kooxaha hubeysan.

Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay Ciidanka Liyuu Booliis in ay laynayaan dad Shacab ah oo aan waxba galabsan taasna aan marna la aqbali karin.