U bood dhigaalka

Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay dooni siday Agab Ciidan

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonni siday tuute iyo agab ciidan, iyada oo lala qabtay dadkii watay doonta, kuwaas oo la sheegay in ay Soomaali yihiin.

Howlgalkan ayaa ka dhacay biyaha deegaanka xeebeedka Qaw ee gobolka Bari, sida lagu sheegay warbixin kooban oo lagu daabacay barta hawlgalka la dagaalanka argagixisada Puntland.

Taliska ciidamada ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo halka uu u socday agabka ciidan iyo ujeeddada safarka doontan.

Taliska Ciidanka Puntland, “Ciidanku waxay gacanta ku hayaan oo baaritaan kuwadaan, doon waday tuute iyo agab kale oo ciidan iyo ragii watay. Doonta iyo raggii watay oo Soomaali ah waxa laga qabtay biyaha deegaanka Qaw ee gobolka Bari.”

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in baaritaanka la sii amba-qaadi doono si loo xaqiijiyo cidda mas’uulka ka ah doonta iyo waxa ay la xiriiri karto.