U bood dhigaalka

Wasiirka maaliyadda oo kulan la qaatay wefdi ka socda Midowga Yurub

Sheeko:War

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wafdi ka socda Midowga Yurub oo ay hogaaminaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ms. Karin Johansson iyo xubnaha sare oo ka socday xafiiskooda Soomaaliya.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista taageerada miisaaniyadeed ee midowga Yurub ay hore ugu deeqeen Dowladda Soomaaliya oo hada wajigiisii 1-aad uu gabagabo yahay, sidoo kale waxaa laga wada hadlay qorshaha taageerada oo socondoona ilaa iyo 2027-ka.

Soomaaliya ayaa ku jirta dadaal ay xoojinayso dhaqaalaha dalka, maadaama dhowaan laga cafiyay inta badan deymihii ay dunidu ku lahayd.