Somaliland oo xukun dil ah ku fulisay laba ruux oo dilay Askar ka tirsanaa Booliiska Somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa saaka aroortii hore fulisay xukun qisaas ah oo dil toogasho ah, kaas oo lagu fuliyay laba gacan-ku-dhiigle oo hore u geystay dilal ka dhacay magaalada Hargeysa. Xukunka qisaasta ah ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ku taalla duleedka Xabsiga Mandheera.
Labada gacan-ku-dhiigle ee la qisaasay ayaa kala ahaa:
Askarigii dilay Taliyihii Saldhigga Maxamed Mooge: Askarigan, ayaa 18-kii Febraayo 2025 middi ku dilay Taliyihii Saldhigga Booliiska Xaafadda Maxamed Mooge ee Hargeysa, Gaashaanle Cabdi Cali Nuur. Dilka ayaa dhacay xilli uu taliyuhu ku guda jiray shaqadiisa maalinlaha ah.
Askarigii dilay sarkaal kale oo ka tirsan Ciidanka Booliiska: Askarigan ayaa sidoo kale middi ku dilay sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland, falkaas oo ka dhacay magaalada Gibiley.
Maxkamadda Ciidamada Somaliland ayaa hore xukun dil toogasho ah ugu ridday labada askari ee geystay dilalkan, waxaana saaka xukunkaas la fuliyay.
Fulinta xukunnada qisaasta ah ee noocan oo kale ah ayaa ah markii labaad oo ay xukuumadda haatan talada haysaa ee Somaliland fuliso, waxaana la filayaa in tallaabadani ay qayb weyn ka qaadato sugidda ammaanka iyo hirgelinta cadaaladda dalka.