U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo haweenka Soomaaliyeed ku bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin dib u dhiska dalka iyo dagaalka Alshabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan afur ah ku maamuusay qaar kamida haweenka Soomaaliyeed, munaasabad 8-da Maarso oo ah Maalinta Haweenka Adduunka awgeed ayaa ku bogaadiyey kaalinta firfircoon ee ay haweenku ku leeyihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer u sharaxay kaalinta muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah, kaas oo haweenku ay yihiin udub-dhexaadka u yihiin, sida uu sheegay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale haweenka ku ammaanay in ay si toos ah uga qeyb qaataan dadaallada dib u dhiska dalka,geeddi-socodka dimuqraadiyadda, difaacadalka, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in haweenka Soomaaliyeed ay si firfircoon uga qeyb qaataan hanaanka doorashooyinka tooska ah oo fursad u siinaya in ay codkooda dhiibtaan, u tartamaan xilalka qaranka, isla markaana ay door muuqda ku yeeshaan hoggaanka dalka.