U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada cadale 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Cadale ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullahi Xuseen, masuuliyiin heer Federaal iyo heer-dowlad goboleed ah, saraakiil iyo Taliyeyaal Ciidan.

Madaxweynaha ayaa u kuur galaya furimaha dagaalka iyo saldhigyada hoggaaminta howlgalka xoreynta dalka, isagoo jiidda hore kulammo kula qaadanaya halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida, Madaxda iyo bulshada deegaanka, si loo sii amba-qaado guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray dagaalka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bulshada ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle ku bogaadiyey garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qaranka, isagoo xusay awoodda ay maanta u leeyihiin dhammeystirka howlgalka xoreynta deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisada iyo dib u hagaajinta deegaannada laga xoreeyey cadowga oo ay ka jirtay nolol iyo duruufo adag.