U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Dib u Soo Celisay 145 Tahriibayaal Soomaaliyeed oo Ku Xayirnaa Liibiya

Sheeko:War

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si guul leh dib ugu soo celisay 145 muwaadin oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan loogu geystay dalka Liibiya.

Dadkani, oo isugu jiray dhalinyaro iyo dad kale oo safar halis ah u galay in ay helaan nolol ka wanaagsan, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay garoomada diyaaradaha ee Muqdisho iyo Hargeysa.

37 kamid ah tahriibayaashan ayaa laga dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, halka 108-da kale ay goor dhoweyd ka soo degeen Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, ehelada tahriibayaashan, iyo dadweyne kale ayaa garoonka ku soo dhoweeyay muwaadiniinta dib loogu soo celiyay dalka, iyagoo muujiyay dareen farxadeed iyo mahadnaq.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay baaqeeda ku aaddan in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan safarrada tahriibka, kuwaas oo inta badan halis gelinaya noloshooda.