Soomaaliya oo Dalbatay in Xayiraadda Socdaalka ay ka qaadaan dadkeeda dalalka Ururka Bariga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga dalbatay dalalka Bariga Afrika (EAC) in la qaado xayiraadaha socdaalka ee saaran dadka Soomaaliyeed, si ay si xor ah ugu kala gooshaan dalalka gobolka.
Dalabkan waxaa shaaciyay Danjiraha Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Tanzania iyo Ururka EAC, isagoo hadalkan ka jeediyay shirka Caruusha ee EAC.
Inkastoo Soomaaliya si rasmi ah uga mid noqotay Ururka Bariga Afrika sanadkii hore 2024, haddana dadka Soomaaliyeed wali si xor ah uma geli karaan uguma ganacsan karaan dalalka xubin ka ah EAC, halka muwaadiniinta kale ee ururka ay si furan isugu socdaan uguna ganacsadaan.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in si dhab ah looga hirgeliyo heshiisyada iyo xeerarka Ururka, loo baahan yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo suuro-geliyo inay helaan xuquuqda buuxda ee xubinnimada, gaar ahaan xagga socdaalka, ganacsiga, iyo fursadaha dhaqaale ee gobolka.
Ururka EAC, oo ay xubno ka yihiin dalal ay ka mid yihiin Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, South Sudan, Congo, iyo hadda Soomaaliya, ayaa doonaysa in loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqa xorta ah ee dadka, badeecadaha, adeegyada, iyo maalgashiga.
Soomaaliya waxay rajeyneysaa in codsigeeda si degdeg ah loo fuliyo, si muwaadiniinteeda ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee gobolka, loogana hortago culeysyada siyaasadeed iyo bulsho ee ka dhalan kara dib-u-dhaca dhaqan-galka xuquuqda xubinnimada.