Trump oo sheegay in sodaalkiisii bariga dhexe uu ka faa’iiday ku dhowaad 2 trillion oo dollar
Sheeko:Wararka Caalamka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ka hadlay safarkiisii uu dhowaan ku tagey gobolka Bariga dhexe, gaar ahaan qaar kamid ah dalalka Khaliijka ayaa sheegay in dalkiisu uu socdaalkaas ka faa’iidey in ka badan 1.5 trillion oo dollar.
“Socdaalkeygii Bariga Dhexe wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan, waxaana soo celinnay ilaa 1/5 trillion dollar” ayuu yiri madaxweyne Trump.
Donald Trump ayaa dhowaan dalalka Sucuudiga, Qatar, iyo isku tagga Imaaraadka carabta ku tagey booqasho maalmo qaadatay, wuxuuna dowladahaas la saxiixday heshiisyo maalgashi iyo kuwo iib oo balaayiin doollar ku kacaya.