Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal
Sheeko:War

Soomaaliya iyo boqortooyada Sucuudiga ayaa ka haddlay xoojinta iskaashiga iyo xariirka labada dal ee walaalaha ah, islamarkaana ka wada tirsan ururka Jaamacadda Carabta.
Wasiirka Ganacsiga XFS Maxamuud Axmed Aadan Geesood oo kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya, Axmed Bin Maxamed Al-Mawliid ayaa kala hadlay kor u qaadista xariirka iyo ganacsiga ka dhexeeya laba dhinac.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda lagu saaray maalgashiga iyo kordhinta dhoofinta xoolaha iyo wax soo saarka Soomaaliya, ayadoo Sucuudiga laga dalbaday fududeynta fiisooyinka ganacsatada iyo xiriirka ganacsiga.