U bood dhigaalka

Puntland oo loogu baaqay in soo dhowayso maamulka cusub ee Waqooyi bari

Luuliyo 31, 2025

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi bari Soomaaliya ayaa Xukuumadda Siciid Deni ugu baaqay in aysan dhib u arkin jiritaanka maamulkaas ee ay soo dhoweyso.

“Dowladda Puntland waxaan ka rajaynayaa in aysan sharaysan maamulka cusub ee ay soo dhawayso; waxa idinka dhexeeya baa ka wayn waxa yar ee aad isku haysaan.” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Puntland, sidoo kale soo noqday Ra’iisul Wasaaraha DFS.

Puntland ayaa si weyn u diidan dhismaha maamulka Waqooyi bari oo ay ku midoobeen gobollada Sool, Sanaag, iyo deegaanno kamid ah Togdheer, waxayna Xukuumadda Siciid Deni dhaqdhaqaaq ka wadddaa deegaanno ka tirsan Sanaag si ay u xoojiso joogitaankeeda aaggaas.