Diyaarad Turkiga laga leeyahay oo ku burburtay xuduudda Azerbaijan iyo Georgia
Xogo cusub ayaa soo baxaya diyaarad ay leedahay dawladda Turkigu oo nuuceedu yahay AC-130, taas oo ku burburtay xadka u dhexeeya dalalka Azerbaijan iyo Georgia, xilli ay ku sii jeeday gudaha dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen saraakiil amnigu.
Diyaaraddan oo ahayd nooca xamuulka qaada ayaa la sheegay inay sidday qalab milatari, waxaana wararka hordhaca ahi ay sheegayaan in dhammaan 20 shaqaale oo saarnaa ay ku dhinteen, iyadoo aanay jirin cid ka badbaaday shilkaasi naxdinta leh.
Goob-joogayaal ayaa tilmaamay in diyaaradda uu dab qabsaday ka hor inta aanay dhulka ku dhicin, halkaas oo ay si buuxda ugu gubatay.
Kooxo gurmad degdeg ah oo ka socda labada dal ayaa ku sugan goobta, iyagoo wado hawlo baaritaan iyo samata-bixin ah.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa tacsi u diray qoysaska shaqaalaha diyaaradda iyo shacabka Turkiga, isaga oo sheegay in Turkigu uu la murugaysan yahay geerida geesiyaashiisii ku waayay shilka diyaaradda AC-130.
Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in baaritaan rasmi ah lagu wado si loo ogaado sababta rasmiga ah ee keentay shilka, iyadoo la baarayo suurto-galnimada cilad farsamo ama xaalado cimilada oo keeni kara shilkaas.
Shilkan ayaa noqday mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badan ee ku yimaadda diyaaradaha milatariga Turkiga sanadihii u dambeeyay, waxaana weli socda dadaallo lagu daad guraynayo meydadka.