Dowladda Soomaaliya oo si adag u beenisay inuu xariir kala dhexeeyo maamulka Israa’iil
Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa si adag u heenisay in uu xiriir ka dhexeeyo Israa’iil xili maalmihii la soo dhaafay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Talaabiib ay sheegeen in xiriir la leeyihiin Soomaaliya.
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Israa iil, Sharren Haskel, ayaa Arbacadii sheegtay in dowladdoodu ay xiriiro gaar ah la sameysay Dowladda Soomaaliya, kaas oo salka ku haya dano wadaag ah oo ku saabsan sidii looga hortagi lahaa saameynta kooxda
Xuutiyiinta ee Geeska Afrika.
Sidookale waxay sheegtay in wadamo badan oo Afrika ah uu xiriir kala dhexeeyo Talaabiil ayna iska kaashanayaan Amniga iyo ka hortagga khataraha kooxo ay ka mid yihiin Xuutiyiibta dalka Yemen.
Arintaan hadal-heynta badan ayay, waxana ay dhalisay tuhun ah in xiriir hoose uu u bilowday Soomaaliya iyo Israa’ill, balse waxaa taas beenisay dowladda Fedraalka Soomaaliya.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arimaha dibada Cali Balcad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aan waxaba ka jirin ay sheegashada Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada ee Talaabiib.
Wasiir Balcad wuxuu si cad u sheegay in aysan waxba iska badelin Mowqifka Soomaaliya ay ka taagan tahay siyaasadda Israa’iil, sidoo kale wuxuu cadeeyay in wax xiriir ah uusan jirin.
Inta la ogyahay Soomaaliya weligeed xariir dublumaasiyadeed lama yeelan maamulka Israa’iil, wuxuuna dhulkaasi muddo dheer kamid ahaa meelaha aan xittaa lagu tagi karin baasaboorka Soomaaliga ah maadaama aysan dowladdu oggolayn.