Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Liiska Ururrada Siyaasadda ee soo gudbiyay Murashaxiinta Golaha Deegaanka Banaadir
Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa si rasmi ah u shaaciyey liiska ururrada siyaasadeed ee soo gudbiyey murashaxiinta Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga muhiimka ah ee doorashooyinka deegaanka, kuwaas oo lagu wado inay dalka ka dhacaan dabayaaqada bishan December.
Guddiga ayaa xaqiijiyay in 20 urur ay soo gudbiyeen murashaxiintooda, ayadoo Tirada musharrixiinta urur kastaahi soo dirsaday la shaaciyey.
Liiska Ururrada iyo Tirada Musharrixiinta ay Soo Gudbiyeen ayaa kala ah sidan:
1. RAMAAS – 48
2. TOWFIIQ – 55
3. KARMA – 23
4. SAAB – 27
5. HORUMAR & MIDNIMO QARAN – 53
6. MUWADINIINTA SOOMAALIYEED – 12
7. MIDNIMADA SHACABKA – 35
8. QARANKA EE DIMUQRAADIGA – 11
9. QIIMO QARAN – 29
10. CADAALADDA & WADAJIRKA – 15
11. DIMUQRAADIYADA SOOMAALIYEED – 13
12. MADALSAN – 9
13. HORYAAL QARAN – 45
14. SOCOD – 37
15. DOWLAD WANAAGA SOOMAALIYEED – 38
16. CADAALADDA & MIDNIMADA TIIR – 7
17. SOOMAALINIMO – 28
18. QARAN SOOR – 32
19. SINCAD – 33
20. DADKA SOOMAALIYEED – 17
Guddigu wuxuu xusay in habka qabashada liiska murashaxiinta uu socday muddo 18 maalmood ah, ayada oo ururradu ay fursad u heleen inay soo xareeyaan musharrixiinta uga qeyb-galaysa doorashada golaha Deegaanka.