U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Ganacsade Maxamed Faarax Jiis

Maarso 23, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Jiis oo ka mid ahaa haldoorka  ganacsatada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku uu door muuqda ka soo qaatay dadaalladii lagu xoojinayay nabadda, dib u dhiska dowladnimada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku suntanaa waddaniyad, karti iyo dadaal joogto ah oo uu ugu soo adeegayay bulshada Soomaaliyeed.

“Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskiisa uga tacsiyeynaa geerida naxdinta leh ee ku timid, Alle ha u naxariistee Ganacsade Maxamed Faarax Jiis oo kamid ahaa haldoorka waddaniyiinta ah ee dhaqaalahooda u huray nabadeynta, dibu dhiska dalka, isku-keenidda bulshada kala irdhowday iyo xoojinta dowladnimada soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle u weydiiyay marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ka geeriyooday.

Ganacsade Maxamed Faarax Jiis oo kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa afartameeyadii ku dhashay magaalada Ceelbuuur ee gobolka Galgaduud, asagoo ku koray waxna ku bartay magaalada Muqdisho.

Geeridiisa ayaa waxaa si weyn uga tacsiyeeyay madaxda dalka, siyaasiyiin hore, iyo xubno kale oo kamid ah haldoorka bulshada Soomaaliyeed.