Inta badan dagaalka Bariga Dhexe marka la gorfaynayo waxa xoogga la saaraa loollanka dhinacyada dhaqaalaha iyo juqasiyaasadeedka, halka loollanka diintana hoos loo dhigo. Xaqiiqada aan la dafiri karin balse waxay tahay inuu loollanka diintu yahay shidaalka ugu weyn gulufka, waayo saddexda dal ee imika ugu cadcad saaxadda waxa hagaya xukuumado ku socda himilooyin diineed.
Maamulka Taraamb waxa gacanta ku haya xagjirka Injiiliyiinta Borotastanka ah, xukuumadda Israa’iilna waxa xuurteeyay xagjirka Sahyuuniyadda Diiniga ah, xukuumadda Iiraanna waxa dhistay xagjirka Shiicada Iimaamiyada 12leyda ah.
Qodobadan waxaan ku faahfaahinayaa kooxda kowaad:
- Febraayo 2026 wuxuu Taraamb ka yidhi Kulankii Ducada Qaranka (National Prayer Breakfast), “Diintii way soo laabatay iyada oo ka xamaasad badan waqti kasta oo tegay.” Sida oo kale maalmihii uu bilaabmay duullaanka Iiraan warbaahinta adduunku waxay qortay inay taliyayaasha ciidanka Maraykanku ku wargeliyeen askartooda, “inuu dagaalka Iiraan yahay bilawga dagaalkii aakhirusamaanka (Armegddon) iyo soolaabashadii Ciise Masiix.”
- Maamulka Taraamb waxa gacanta ku haya Injiiliyiinta Borotastanka ah (Sahyuuniyiinta Masiixiga ah), oo ay ugu cadcad yihiin Guddoomiyaha Wakiillada (Mike Johnson), Wasiirka Dagaalka (Pete Hegseth), Wasiirka Arrimaha Dibadda (Marco Rubio), Safiirka Maraykanka ee Israa’iil (Mike Huckabee) iyo Senatarka Jamhuuriga ah ee Lindsey Graham.
- Sida la ogyahay Kiristaanka iyo Yuhuudda waxa ka dhexaysa colaad taariikhi ah, oo la xidhiidha inay Yuhuuddu beeniyeen Ciise Masiix, isla markaana ay dileen (sida ay Masiixiyiintu ku eedeeyaan). Yuhuudduna waxay aamminsan yihiin inaanu Ciise ahayn Masiixii runta ahaa, Masiixa runta ahina aanu weli immanin. Injiiliyiintu haddaba waa koox ka go’day mad’habta Borotastanka, waxaanay u fasiraan nusuusta diinta si ka duwan mad’habyada Kiristaanka ee waaweyn.
- Injiiliyiinta Borotastanka ahi waxay u janjeedhaan dhanka Yuhuudda, waxaanay aamminsan yihiin in ballankii uu Alle la galay Ibraahiim uu khuseeyo “shacabka Alle doortay” ee reer Bani Israa’iil. Ballankaasi sida Tawraad ku xusan waa saddex qaybood: inuu Alle dhulka u dhexeeya labada webi (Niil iyo Furaad) uu tafiirta Ibraahiim siin doono; inuu tafiirtiisa badin doono sida xiddigaha cirka, boqorrana ay noqon doonaan; iyo inay bulshooyinka dhulka oo dhan barakadiisu gaadhi doonto. Waxay leeyihiin Injiiliyiintu ballankaasi waa mid abadi ah oo ku lammaan Yuhuudda, sidaa darteed marka la dhiso Haykalka Saddexaad, ee uu soo laabto Ciise Masiix (markii labaad) Yuhuuddu way rumayn doonaan, waana la cafin doonaa.
- Injiiliyiinta tiradooda guud waxa lagu qiyaasaa caalamka inay yihiin 250 Milyan. 80% Injiiliyiinta Maraykanku waxay u codeeyeen Taraamb, sidaa darteed xubnaha ku hareeraysan madaxweyne Taraamb kooxdan ayay u badan yihiin, sida aynu ku soo xusnay qodobka 2aad. Taasi waxay ka dhigan tahay inay kooxdani hoggaaminayso quwadda dhaqaale iyo ciidan ee ugu weyn caalamka.
- Ninka ugu xagjirsan kooxda Taraamb, isla markaana ah wasiirkiisa dagaalku (Pete Hegseth) wuxuu gacanta ku xardhaday erayga gaal (kaafir) oo Carabi ah, intaanu wasiirka noqonna wuxuu qoray buug uu islaamnacayb ku jiro oo ciwaankiisu yahay Macatablayaasha Maraykanka (American Crusade). Sida oo kale 2018 markii uu weriyaha ka ahaa Fox News xaflad magaalada Quddus ka dhacday oo uu ka qaybgalay wuxuu ka sheegay in mucjisada dhismaha Haykalku (duminta Aqsa) ay u rumoobi doonto sidii ay u rumoobeen mucjisooyinkii kala ahaa: Yaboohii Bilfoor (1917), yagleelkii Israa’iil (1948), qabsashadii Quddus (1967), iyo aqoonsigii Taraamb ee caasimadnimada Quddus (2017).
- Injiiliyiinta borotastanku waxay aamminsan yihiin dhacdooyinka aakhirusamaanka, oo ay soo dhowaatay ammintoodii, inay ka bilaabmayaan Rafaadka Weyn (The Great Tribulation). Waa toddoba sanno oo dhib iyo rafaad ah oo uu adduunka ka talinayo Masiixa Beenta ahi (Dajaal). Kadib waxa soo degaya markii labaad Masiixa runta ah, oo kaga adkaanaya awooodaha sharka dagaalka weyn ee Harmejdoon (Armegddon). Guushaas kadib, Masiixa runta ahi wuxuu maamulayaa adduunka kun sanno, oo barwaaqo iyo nabad ah, kadibna waxa loo gudbayaa nolosha waaritaanka (aakhiro).
_______
WQ: Cali Ileeye
Qoraa, abwaan, turjumaa iyo gorfeeye wax ka qora arrimaha suugaanta, diimaha, siyaasadda, horumarinta nafta iyo wacyiga.