U bood dhigaalka

GOORMEE KA GUDBI DOONNAA DIMUQORAADIYADDA KU DHISAN QORI CAARADDIIS?

Ciise Cabdi
Qeybta: Dawladnimada & Arrimaha Bulshada
Abriil 11, 2026

Marka ay timaaddo doorasho xor ah iyo xilwareejin nabdoon, Soomaaliya waxa ay hormuud u ahayd qaaradda Afrika, waana dalkii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo si dimuqoraadiyad ah xukunka isugu wareejiyay. Taariikhdaas milgaha leh waxaa ku suntan Madaxweynhii ugu Horreeyay ee dalka, Mudane Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan-Cadde) oo si nabad ah xilka ugu wareejiyay musharrixii ka guulaystay ee Cabdirashiid Cali Sharmaarke sannadkii 1967dii, xilli badi hoggaamiyayaasha dalalka Afrika ay ku hawlanaayeen doorasho boob ah, kelitalisnimo iyo afgenbi.  

Burburkii Dimuqoraadiyadda

Dhibaatadu waxay taagan tahay inta ay jirto xaalad ay ku dhici karto, ee marka ay dhacdo kaliya ma jirto. Dad badan ayaa qaba Soomaaliya in ay burbur tahay 1991dii, balse xaqiiqada taas waa ay ka gaddisan tahay, oo Soomaaliya waxa ay burburtay 1969kii, markii talada dalka uu la wareegay xukunkii Kacaanka. Qaranjabkii ina soo gaaray waxa uu dhacay 1988dii illaa 1991dii, markii jabhado hubaysan ay meesha ka saareen Taliskii Kacaanka. Hasayeeshee fikirka ah in meesha laga saaro kacaanka waxa uu soo bilowday habeenka uu dhashay. Kacaanka arrintaas ma moogeen, oo cabsi xoogan ayuu ka qabay. Si uu uga hortagana waxaa uu soo saaray xeer la yiraa kacaandiid, kaas oo qofkii lagu helo uu ku xukuman yahay dil toogasho ah. Xeerkaas waxa uu galaaftay nolosha saaxiibbadii ugu dhowaa Kacaanka. Jabhadihii waxa ay la dagaalayeen sharcidarro, waxa ayna saameeyeen sharcidarro ka ballaaran tan ay la dirirayeen.

Dimuqoraadiyad Gacan-ku-rimis ah

Jamhuuriyadda Seddexaad oo ah mid federaal ah, dimuqoraadiyadda ugu weyn ee suurtagalisa in ay qabsoonto doorashada federaalka ah waa mid gacan-ku-rimis ah, oo aan ku dhisnayn sharci iyo rabitaan shacab, balse ku qotanta xaalado iyo duruufo isbahaystay. Waxay u muuqataa in aan weli wax laga baran dhibaatada ay leedahay xiljacaylka, muddakordhinta, iyo doorasho la boobo, kuwaas oo innoo horseeday qaranjab aan laga soo waaqsan. Labaatankii sano ee la soo dhaafay madaxdii kala duwanayd ee dalka soo martay waxaa ay muujiyeen astaaamahaas, balse way u bareeri waayeen. Doorashooyinka qaar ayaa sababay in lagu dagaallamo gudaha magaalamadaxda dalka ee Muqdisho, taas oo ka soo kabanaysa dhibaatooyinkii soo gaaray. Damaca kelitalisnimada ma guurin, balse waxaad mooddaa in loo la’yahay tabar lagu hirgeliyo.

Haddaba, maxaa sababa in ay doorasho dhacdo?

  • Sinnaanta Awoodaha Madaxda Federaalka

Dastuurka ku-meel gaarka ah si cad uma kala xadaynayo awoodaha madaxda sare ee dalka sida madaxweynaha iyo ra’iisulwasaraha. Madmadowgan ayay dad badani u arkaan in uu dheellitirayo hannaanka awood qeybsiga dalka, ayna adag tahay mid kood uu kan kale ma quuniyo. Dastuurka cusub ee dhowaan la ansixiyay ayaa laga tiray soojeedin ku aaddanayd in madaxweynaha uu xilka ka qaadi karo ra’iisulwasaaraha, taas oo sii xoojinaysa tuhunkaas. Hore waxa uu khilaaf xooggan oo salka ku haya doorasho iyo matalaad uu soo kala dhex galay, Alle ha u naxariistee, Cabdullahi Yuusuf iyo Nuur-Cadde, si la mid ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble.

  • Beesha Caalamka

Doorka Beesha Caalamka ay ku leeyihiin dawladnimada Soomaaliyeed kuma eka doorashada oo kaliya, oo waxa ay saamayn toos ah iyo mid dadban intaba ku leeyihiin go’aannada masiiriga ah ee dalka. Waxa ay dhexdhexaadiyaan dhinacyada is-haya, iyaga oo madaxda qaar ku soo raga xayiraad dhaqaale iyo mid safar. Habmaamulkooda iyo faragelintooda qaawan waxaa la dhacsan madaxda Soomaaliyeed, oo waxa ay u arkaan garsoor caddaalad ah. Waqtiyada kalaguurka ah, shaqsiga ugu hadal heynta badanaa siyaasadda Soomaaliya waxa uu ahaa Ergaygii Hore ee Qaramada Midowday, Jeemis Iswaan, taas oo muujinaysa doorka Beesha Caalamka ee doorashooyinka dalka. Sidoo kale, waxa ay sugaan amniga hoolka doorashada. Saddexdii doorasho ee ugu danbaysay ee dalka lagu qabtay, waxaa si buuxda gacanta ugu hayay amniga doorashada iyo madaxda musharrixiinta ah ciidamada shisheeye. 

  • Nidaamka Federaalka

Nidaamka federaalka waa la qaatay marka ay burburtay kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed ay ku qabeen dawlad dhexe, waana mid loogu talagalay in Soomaali kala tegin. Soomaaliya nidaamka federaalka waxa ay ku qabtaa caqabado faro badan oo ay ugu horrayso in uusan ahayn federaal sax ah—oo macnaheedu yahay in awoodaha dawladgoboleedyada iyo dawladda dhexe aysan kala caddayn. Si looga baxo nidaamkan waxaa loo baahan yahay in dib loo yegleelo kalsoonidii luntay. Hoggaamiye kasta oo ka shaqeeya muddakordhin iyo doorasho boob ah waxa uu danqinayaa boogihii hore ee la rabay in la dhayo. Doorasho aysan raalli ka ahayn dawladgoboleedyada waxa ay soo dedejin kartaa in uu burburo nidaamka federaalka ah.

  • Doorka Muqdisho

Muqdisho waxa ay kaalin mug leh ka qaadataa qabsoomidda doorasho shanti sanaba mar. Waa magaalada leh ilbaxnimo qaddiimi ah, magaalo ay ku wada nool yihiin mucaarad iyo muxaafad, si isku mid ahna ra’yigooda u cabbiri karaan, dhaliilo adag hawada loo marin karo dawladda talada haysa. Dhinacyada tartamaya waxa ay ku dareemaan amni iyo xasillooni.

Goormee ka Gudbi Doonnaa Dimuqoraadiyadda Ku Dhisan Qori Caaraddiis?

Damaca doorasha-boobka, muddakororsiga iyo kursi-jeclida waa uu taagan yahay, balse dan iyo duruufo ayaa hortaagan. Ilaa iyo goorma ayay xaaladahan taagnaan doonaan, maxaa se dhacaya haddii ay meesha ka baxaan? Sida marka Kacaanku dhashay ay u jirtay cabsi ah in meesha laga saari karo ama afgenbi kale dhici karo, ayay u jirtaa cabsi ah in burbur iyo dagaalsokeeye oo doorasho la xiriira uu dhici karo.  Dimuqraadiyaddu waxa ay jiraysaa marka la helo doorasho xor ah oo ku dhisan sharci, qofkii sharcigaas ka hor yimaaddana si wadajir ah gacmaha looga qabto.

Dawladgoboleedyada

Dawladgoboleedyada waxaa ka jirin duruufihii federaalka ku qasbaayay in ay doorasho ka dhacdo. Awoodda ma sinna oo waxaa leh Madaxweynaha maamulka, dadka wada dhistay degaanno kala duwan kama soo jeedaan oo waa hal degaan, doorka Beesha Caalamka waa yar yahay madaama ay u arkaan in dhibaato badan aysan ka imaan karin, caasimad xor ah oo mucaaradka aragtidooda ku soo bandhigi karaan naftoodana ku aamini karaan ma lahan, marka laga reebo Buntilaan oo doorasho hufan ay ka dhacaysay inta ay jirtay. Taasi waxa ay keentay in dawladgoboleedyada ay ka qabsoonto doorashooyin la boobo, dhiigna ku daato.