12kii Abriil 1960kii oo ku beegan dhawr bilood uun kahor intaan cawaale laga taagin dhulka Soomaaliyeed, waxaa la unkay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS). Unkiddan ma ahayn dhisidda cudud ciidan oo keliya, balse waxay ahayd dhalashada Gaashaanka Qaranka kuwaas oo laga soo dhex saaray cutubyo ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliyeed. Bilowgaas yari wuxuu ahaa abuurka la rabay in lagu difaaco madaxbannaanida curdunka ah iyo himilooyinkii fogaa ee ummadda Soomaaliyeed.
Labaatankii sano ee aasaaska ka danbeysay, CXDS wuxuu u noqday hay’ad leh nidaam casri ah iyo kala dambayn adag. Iyadoo la kaashanayo khubaro caalami ah iyo tababarro gudaha ah, ciidanku wuxuu noqday goobta kaliya ee ay ku kulmaan dhammaan dadka Soomaaliyeed iyadoo aan loo eegin deegaan iyo qabiil. Wuxuu ahaa mashiinka aqoonta, farsamada, iyo barashada afka hooyo, isagoo askari walba bartay in qorigiisu yahay ammaanada dadka iyo dalka, calankuna yahay astaanta kaliya ee loo dhimanayo.
Sannadihii todobaataneeyadii, CXDS ma ahayn ciidan gudaha uun ku kooban, balse wuxuu noqday mid kamid ah saddexda cudud ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika. Heerkaas waxuu ku gaaray iskudheelitirka tababar tayo leh iyo qalabayn casri ah oo dunidu ka yaabtay. Ciidanka Cirka ee Soomaaliya ayaa markaas haystay diyaaradaha MIG-21 iyo MIG-17, kuwaas oo ka dhigay cirka Bariga Afrika mid ay Soomaaliya ka taliso, halka Ciidanka Dhulku ay haysteen boqolaal taangi oo noocoodu u dambeeyay (T-54/55), kuwaas oo gariiriyay awooddii gobolka.
Maamuuska askariga Soomaaliyeed wuxuu gaaray in xitaa dalalka shisheeye ay ku tilmaamaan Askariga ugu adkaysiga badan qaaradda. Nidaamka saadka, sirdoonka milatariga, iyo hoggaanka saraakiisha aqoonta sare leh ayaa CXDS ka dhigay astaan lagu daydo. Ma ahayn kaliya xoog milatiri, balse waxay ahayd awood leh isku filnaansho dhinaca waxsoosaarka, dhismaha iyo caafimaadka, taas oo sare u qaadday hanka iyo gobannimada qofka Soomaaliyeed.
Afar sano uun ka dib markii la asaasay, CXDS wuxuu wajahay tijaabadiisii u horraysay ee dhinaca difaaca xuduudaha intii uu socday dagaalkii 1964-kii ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya. In kasta oo ciidanku ahaa mid curdan ah, haddana wuxuu muujiyey awood iyo abaabul aan laga filanayn dal hadda madaxbannaanida helay. Dagaalkaas wuxuu ciidanka Soomaaliyeed u ahaa waa cusub oo xaqiijiyey in CXDS uu yahay xoog awood u leh inuu ka difaaco qarannimada Soomaaliyeed duulaan kasta oo dibadda uga yimaada. Guushii niyadeed ee laga dhaxlay dagaalkaas waxay asaas u noqotay dhismihii weynaa iyo kalsoonidii uu ciidanku ku tallaabsaday tobankii sano ee ka dambeeyey, taas oo dalka ka dhigtay quwad laga haybeysto gobolka Geeska Afrika.
Hawlgalladii ugu waaweynaa ee lagu xusuusto CXDS wuxuu ahaa kii 1977kii, markaas oo ciidanku muujiyay xeelad dagaal iyo dhiiranaan aan horay loo arag. Muddo kooban gudaheed, ciidanku wuxuu gacanta ku dhigay dhul baaxad leh, isagoo jabiyay gaashaanbuur ka koobnayd quwado waaweyn oo caalami ah. Inkasta oo natiijada dambe ay noqotay mid saamaysay dalka, haddana kartidii iyo tababarkii askariga Soomaaliyeed ee xilligaas waxay weli diiwaanka ugu jiraan mid ka mid ah dagaalladii ugu layaabka badnaa ee qarnigii 20aad.
Dhinaca kale, CXDS wuxuu ahaa ciidan u adeega nabadda iyo horumarka xilliyada nabadda. Waxaa la xusuustaa doorkii taariikhiga ahaa ee Ololihii Horumarinta Reer Miyiga iyo gurmadkii masiibooyinkii dabiiciga ahaa sida Abaartii Daba-dheer. Sudo kale, ciidanku wuxuu hormuud u ahaa hawlgallo nabad-ilaalin oo heer qaaradeed ah, isagoo calanka Soomaaliya ka dhex lulay fagaarayaal caalami ah. Hawlgalladaas waxay caddeeyeen in ciidanku uusan u dhisnayn burburin, balse uu ahaa lafdhabarta dhismaha qarannimada iyo samatabixinta shacabka.
Burburkii CXDS
Dagaalkii 1977dii wuxuu ahaa barta isbeddelka ee taariikhda CXDS. Inkasta oo askariga Soomaaliyeed uu muujiyey geesinnimo heer sare ah, haddana natiijada dagaalkaas waxay dhalisay khasaare baaxad leh oo isugu jiray naf iyo maal. Dagaalku ma duminin oo kaliya cududdii milatiri, balse wuxuu dhaawac weyn u gaystay mooralkii iyo nafsiyaddii ciidanka, iyadoo askar badan ay dareemeen in dhiiggoodii loo hibeeyay himilooyin siyaasadeed oo aan markaas laga gungaarin, taas oo abuurtay madmadow ku yimid kalsoonidii dhex tiilay askariga iyo hoggaanka sare.
Saamaynta kale ee ugu weynayd waxay ahayd go’doonkii caalamiga ahaa ee ay Soomaaliya gashay iyo burburkii saadka. Maaddaama ciidanku ku tiirsanaa hubka Midowga Soofiyeeti, xiriirka oo go’ay wuxuu ka dhigay qalabkii qaaliga ahaa ee CXDS biro daxalaysta oo aan haysan agab dayactir. Taasi waxay keentay in ciidankii xoogga badnaa uu u xuubsiibto mid difaac uun ku jira, isla markaana ay meesha ka baxdo tayadii iyo casriyayntii lagu yaqaannay, taas oo albaabka u furtay inay soo baxaan kooxo hubaysan oo gudaha ah oo ka faa’iidaysanaya daciifnimadaas soo korortay.
Iskudaygii dhicisoobay ee afgambi ee dhacay bishii Abriil 1978, oo ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah saraakiishii ugu sarraysay ciidanka, wuxuu ahaa mindidii labaad ee lagu dhuftay lafdhabarta CXDS. Dhacdadani waxay dhalisay jawi cabsi iyo shaki leh oo ku dhex baahay xeryaha ciidanka. Kalsoonidii lagu yaqaannay milatariga waxaa beddelay sirdoon iyo dabagal lagu hayo saraakiisha, taas oo keentay in dallacaadda iyo magacaabista xilalka lagu saleeyo daacadnimo shakhsi ah halkii lagu salayn lahaa aqoon iyo karti milatiri.
Natiijadii afgenbigaas waxay horseedday in qaar badan oo ka mid ah saraakiishii ugu khibradda badnaa ay dalka ka qaxaan, halka kuwo kalena la toogtay ama la xabisay. Tani waxay dhalisay firaaq dhinaca hoggaanka ah oo aan waligiis la buuxin. Ciidankii markii hore ku midoobay hal mabaadi’ oo qaran, wuxuu bilaabay inuu u kala qeybsamo kooxo iyo saaxiibtinimo hoose, taas oo daciifisay silsiladdii amarka oo ahayd tiirka kaliya ee uu milatarigu ku taagnaa.
Marxaladdii u dambaysay ee burburka waxay timid markii ciidanka xoogga dalka loo adeegsaday in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha iyo cabburinta shacabka. Halkii uu askarigu ahaa kan difaacaya muwaadinka, wuxuu nidaamkii markaas jiray u rogay qalab lagu ilaaliyo kursiga. Tani waxay dhalisay in askarigu uu wajahay dadkiisii, taas oo dhalisay nacayb iyo aamindarro u dhaxeysa shacabka iyo ciidanka, iyadoo dirayskii milatariga loo arkay astaan cadaadis halkii loo arki lahaa astaan difaac.
Ugu danbayntii, si xun u adeegsigan wuxuu keenay in ciidanku uu ku dhex milmo khilaafaadka beelaha. Markii dagaallada sokeeye ay qarxeen, CXDS uma istaagin sidii hay’ad qaran oo dhexdhexaad ah, balse waxay u kala jabeen garabyo beeleed, iyadoo qalabkii qaranka loo adeegsaday burburinta magaalooyinka iyo barakicinta dadka. Waa halkaas halka uu ku dhintay CXDS-kii dhabta ahaa, isagoo ka tegay dhaxal xanuun badan oo ilaa maanta saameyn ku leh sida loo arko ama loo dhiso ciidan qaran oo loo dhan yahay.
Dibudhiskii CXDS
Dibudhiskii labaad ee CXDS wuxuu ku bilowday jewi aad u qalafsan, halkaas oo la isugu keenay dad isugu jira khibrad iyo xamaasad, balse ku kala fogaa aragtida iyo asluubta. Waxaa tiir u ahaa saraakiishii iyo askartii aqoonta lahayd ee ka soo haray dowladdii kacaanka, kuwaas oo sitay anshax iyo aqoon milatiri oo dhisan, balse dhinaca kale waxaa lagu daray dhalinyaro u badnaa maleeshiyaadkii hubeysnaa ee magaalada ku dhex jiray. Iskudarka askari akaademi ka soo baxay iyo mid aag ka soo baxay, waxay dhalisay dhismo ciidan oo u baahnaa in la isku waafajiyo nidaamka dawladnimada iyo dabeecadda maleeshiyanimada.
Duruufta rasmiga ah ee dhismahan dedejisay waxay ahayd baahida loo qabay in lala dagaallamo kooxaha argagixisada ah ee khatarta ku hayay jiritaanka qaranka. Ma jirin waqti ku filan oo askari walba lagu mariyo habraac adag ama tababar dheer oo dhinac walba ah, waayo dagaalku wuxuu ka socday caasimaddii dalka ee Muqdisho. Taasi waxay keentay in mudnaanta kowaad la siiyo tirada iyo dagaalgelinta, iyadoo mararka qaar laga boodayay barashada caqiidada ciidannimo iyo midnimada calanka, taas oo keentay in ciidanku uu noqdo mid u qalabaysan dagaal balse u baahan dibuhabayn dhinaca maskaxda iyo nidkaamka ah.
Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee maanta hortaagan waxtarka CXDS waa kala duwanaanshaha tababarrada. Maaddama Soomaaliya ay taageero milatiri ka hesho dalal kala duwan, waxaa dalka dib ugu soo laabtay cutubyo isku magac ah balse ku kala duwan habdagaalanka, farsamada, iyo xitaa luuqadda milatariga. Tani waxay dhalisay in ay adkaato islajaanqaadida marka hal hawlgal la isugu keeno, maadaama askari walba uu wato falsafaddii iyo qaabsalaankii dalkii uu ka soo laabtay.
Kala duwanaanshahan ma ahan mid muuqaal uun ku kooban, balse wuxuu saameyn ku yeeshay silsiladdii amarka. Markii askartu ay dareemaan inay ka tirsan yihiin cutubyo gaar ah oo leh agab iyo mushahar kala duwan, waxay wiiqaysaa dareenkii hal ciidan oo leh hal hoggaan. Caqabaddani waxay u baahan tahay in la abuuro manhaj milatiri oo midaysan, kaas oo u beddelaya cutubyadaas kala duwan hal xoog oo leh hal salaan, hal ujeeddo, iyo hal caqiido oo ka sarreysa meel kasta oo tababarka laga soo qaatay.
Maxaa Qaldamay Oo U Baahan Sixitaan?
Mid ka mid ah daldaloollada ugu waaweyn ee ka muuqda dibudhiska CXDS waa maqnaanshaha Caqiido Milatiri oo midaysan. Askarigu marka uu furinta joogo, ma ahan kaliya inuu haysto qori iyo rasaas, balse wuxuu u baahan yahay Sabab uu u dhinto oo ka weyn naftiisa iyo deegaankiisa. Haddii aan la dhisin caqiidada waddaninnimo iyo dareenka ah in difaaca qaranka uu yahay waajibaad muqaddas ah, askarigu wuxuu u nuglaanayaa inuu u leexdo dhinaca qabiilka ama inuu ka cararo furinta marka cadaadis yar soo food saaro.
Sixitaanka qodobkan wuxuu u baahan yahay in ciidanka lagu dhex abuuro nidaam wacyigelin oo joogto ah, kaas oo ka dhigaya calanka iyo qarannimada waxa kaliya ee la difaacayo. Ciidan aan lahayn falsafad dhexdhexaad ah oo ka madaxbannaan loollanka siyaasadda iyo qabiilka, waxay mar walba ahaan doonaan kuwo u jilicsan kala qeybsanaanta. Waxaa lagama maarmaan ah in askari walba uu si dhab ah u rumeeyo inuu yahay Ilaaliyaha Qaranka, taas oo ah aasaaska ay ku dhisan yihiin ciidamada dunida ugu xooggan.
Anshaxu waa waxa askariga ka soocaya maleeshiyada; waa kaladambaynta iyo u hoggaansanaanta amarka iyada oo aan dood laga keenin. Waxaa jira xaalado badan oo lagu arkay anshax-xumo soo dhex gashay cutubyada qaarkood, sida ku milmista arrimaha bulshada, ka qeybqaadashada isbaarooyinka, ama u adeegsiga hubka qaranka dano gaar ah. Anshax-xumada noocan ah waxay dhashay in kalsoonidii shacabka ay wiiqanto, taas oo keenta in dadku ay ka gabsadaan inay xogta iyo taageerada la wadaagaan ciidankooda qalab uun, balse waa mid ku timaada tababar dhinac walba ah oo xoogga saaraya xushmadda dirayska iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka. Anshaxu waa mashiinka uu ciidanku ku shaqeeyo; haddii uu xumaadana, gaarigii qaranku horey uma dhaqaaqi karo.
Caqabadda saddexaad ee u baahan sixitaan degdeg ah waa Tababarrada kala duwan ama askarta ka kala imaanaysa dalal kala duwan oo leh manhajyo kala fog. Markii cutub lagu soo tababbaro Turkiga, midna Maraykanka, midna Ereteriya, waxaa dalka dib ugu soo laabta ciidan wata luuqado Milatiri oo kala duwan. Tani waxay dhalisaa dhibaato dhinaca isgaarsiinta ah iyo in la isku waafaqi waayo xeeladaha dagaalka marka hal aag la isugu keeno, taas oo mararka qaarkood horseedda dhimasho ka dhalata isfahanwaaga furinta dhexdeeda ah.
Sixitaanka arrintan ma ahan in la diido taageerada caalamiga ah, balse waa in la abuuro manhaj midaysan oo Soomaaliyeed. Waa in dalalka na caawinaya la siiyo qorshe ay ku tababaraan askarta, halkii ay iyagu keeni lahaayeen manhajkooda. Waa in CXDS leeyihiin hal habraac oo qeexaya sida loo salaan bixiyo, sida loo dagaallamo, iyo sida loo wada xiriiro. Tani waxay hubinaysaa in askari kasta, meel kasta oo lagu soo tababaray, uu yahay xubin si fudud ugu dhex milmi karta cutub kasta oo ka tirsan Xoogga Dalka.
[/goobjoog_text_justifier]