Maalmahan warbaahinta caalamku waxay si weyn u hadalhaysay dagaallada ka soo cusboonaaday waqooyiga Itoobiya iyo is-abaabulka xoogagga ka soo horjeeda xukuumadda Ra’iisalwasaare Abiy Axmed. Haddaba, si fahan buuxa looga helo xaaladdan, waxaa lagamamaarmaan ah in hoos loo eego sababaha ka danbeeya dagaallada soo noqnoqda ee dalkaas.
Maqaalkani, oo arrinkaas sharxaya, wuxuu ku doodayaa in mushkiladda Itoobiya ay salka ku hayso qallooc taariikhi ah oo ku jira aasaaskii dawladnimada dalkaas. Qalloocaasi wuxuu soo bilowday xilligii Boqortooyadii Abasiiniya, kaddib markii dhulal iyo shucuub badan oo ku yaallay bariga, galbeedka iyo koonfurta Itoobiya xoog loogu daray boqortooyada. Maqaalkani wuxuu beeninayaa sheekada shaacsan ee ay Boqortooyadii Abasiiniya adduunka ku faafisay, taas oo oranaysa: Itoobiya waa dal leh dawladnimo guun ah oo saldhigatay. Dooddani waa mid siyaasadeed oo loogu talagalay in sharciyad iyo aqoonsi loogu dhiso dawladnimadii jujuubka ahayd ee qarnigii 19aad xoogga kula wareegtay shucuubtii kala duwanayd ee ku dhaqnayd waxa maanta loo yaqaan Itoobiya.
Taariikhyahannada badankoodu waxay isku raacsanyihiin in dawladnimada Itoobiya aysan ka dhalan heshiis bulsho oo ay shucuubta dalkaasi si wadajir ah uga qaybqaateen. Taa beddelkeeda, waxay ka soo unkantay Boqortooyadii Abasiiniya ee ay hoggaaminayeen Amxaarada iyo Tigreegu, kuwaas oo xoog ku qabsaday shucuubtii kaladuwanayd ee ku dhaqnayd bariga, galbeedka iyo koonfurta Itoobiya ee maanta. Habkan jujuubka ah, ee soo bilowday xilligii boqortooyada, ayaa u gudbay dawladihii casriga ahaa ee is xigxigay ee Itoobiya soo maamulay.
Maamulladii Haile Selassie (1930–1974), Dergigii (1974–1991) iyo EPRDF, oo ay TPLF hoggaaminaysay (1991–2018), waxay ahaayeen maamullo ku kaladuwanaa nidaamka iyo fikradda siyaasadeed, waxayse dhammaantood ka midaysnaayeen aragtida ah in dalka lagu maamulo nidaam dawlad dhexe oo awood badan. Siyaasaddaas xoogga ku dhisnayd waxay dhalisay cabashooyin taariikhi ah, sinnaan-la’aan siyaasadeed iyo khilaaf joogto ah oo ku saabsan cidda awoodda dalka leh iyo sida loo maamulayo. Shucuubta sida gaarka ah u dareemay culayska nidaamyadaas waxaa ka mid ah Oromada, oo tirakoobkii 2007 uu ku sheegay inay yihiin qiyaastii 34% tirada dadka dalkaas, taas oo ka dhigaysa qowmiyadda ugu tirada badan Itoobiya. Qowmiyadda Oromadu waxay waqti dheer soo wadday halgan la xiriira sidii ay uga xoroobi lahayd faquuqa iyo cadaadiskii ay kala kulmaysay dawladnimada jujuubka ah ee ay hoggaaminayeen qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega.
Halgankaas, oo lahaa garab siyaasadeed iyo mid hubaysan, ayaa aakhirkii isu beddelay kacdoon shacab oo ka qarxay gobolka Oromia, kaas oo ugu danbayn sababay in Ra’iisalwasaare Hailemariam Desalegn uu xilka iska casilo bishii Febraayo 2018kii. Waxaa xigtay in bishii Abriil ee isla sannadkaas uu xukunka dalka la wareegay Abiy Axmed, oo noqday ra’iisalwasaarihii ugu horreeyay ee Orom ah. Oromadu waxay arrintaas u arkeen guul taariikhi ah, hasayeeshee dhinaca kale waxaa jirtay caqabad ka imanaysay in dawladnimada ay Oromadu hoggaanka u qabatay ay ahayd dawladnimo ku dhisan fikradda Abasiiniya, oo aysan taariikh ahaan iyo dhaxal ahaanba waxba ku lahayn Oromadu.
Si kastaba ha ahaatee, xukunkii Abiy wuxuu bilowgii hore qaaday tallaabooyin muujinaya furfurnaan siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba si weyn loogu soo dhaweeyay. Kumannaan maxbuus ayaa la sii daayay, xayiraaddii saarnayd xisbiyada mucaaradka ayaa la qaaday, waxaana la soo afjaray colaaddii dheerayd ee Itoobiya iyo Eritrea. Laakiin sannadkii 2019kii ayay jihadii siyaasadda dalku isbeddeshay, kaddib markii Abiy uu meesha ka saaray isbahaysigii EPRDF, oo ka koobnaa afar qowmiyadood, kuna beddelay hal xisbi oo loo bixiyay Xisbiga Barwaaqo.
Go’aankani wuxuu dhaliyay mucaaradad ka timid dhinacyo kala duwan oo kala ujeeddo ah. Qaybo badan oo Oromada ka mid ah waxay u arkeen in Abiy uu ka leexanayo federaalisamka qowmiyadaha ku dhisan, una jeedo dawlad dhexe oo xooggan. Dhinaca kale, Amxaarada iyo Tigreegu waxay isbeddelkan u arkeen qorshe uu Abiy ku dhisanayo nidaam dawlad dhexe oo awood leh oo ay Oromadu ku xooggan tahay, laakiin huwan shaati Itoobiyaannimo.
Maamulka TPLF, oo awood ahaan ugu tun weynaa qowmiyadihii ku midaysnaa EPRDF, ayaa ka biyadiiday jihada uu Abiy la aaday siyaasadda dalka, taas oo sababtay in awooddoodii siyaasadeed, dhaqaalahoodii iyo kaadiriintoodiiba u guuraan Mekelle, caasimadda Tigray. Ugu danbayntii, khilaafkaasi wuxuu 4tii Noofeenbar 2020kii isu beddelay dagaal furan, waxaana ciidamada federaalku muddo kooban kaddib qabsadeen Mekelle.
Dagaalkii uu Abiy la galay Tigrayga, waxaa la safnaa Amxaarada iyo Eritrea, oo mid kastaa ujeeddo gaar ah lahaa. Amxaaradu waxay doonaysay inay dib ula wareegto Galbeedka Tigray, oo ay u aragto dhul taariikh ahaan iyagu lahaayeen, laakiin uu maamulkii Tigrayga ee Itoobiya xukumay ku daray ismaamulka Tigray. Sidoo kale, Eritrea ayaa doonaysay inay awood ahaan wiiqdo TPLF, oo muddo dheer ahayd cadowgeeda ugu weyn.
Kaddib dhimasho iyo barakac baahsan oo ka dhashay dagaalkii Tigray, Abiy iyo TPLF waxay bishii Noofeenbar 2022 heshiis nabadeed ku saxiixdeen magaalada Pretoria. Heshiiska Pretoria wuxuu joojiyay dagaalkii socday, mase uusan xallin asalkii khilaafka, sababo kala duwan awgood, oo ay ugu weynayd kalsoonidarrada u dhexaysay Addis Ababa iyo Mekelle. Taasi waxay hakisay hirgelinta qodobbada heshiiska, sida hubka ka dhigista xoogagga Tigrayga.
Waxaa kaloo hirgelinta heshiiskii Pretoria caqabad ku noqday Amxaarada iyo Eritrea, oo aan ka qaybgelin heshiiska, una arkay inuu khatar ku yahay danahooda. Shakiga Amxaarada iyo Eritrea waxaa sii huriyay go’aankii Abiy ee ahaa in ciidamada gaarka ah ee gobollada, oo ay kuwa Amxaaradu ka mid yihiin, la kala diro, laguna daro ciidamada federaalka, iyo hadalladiisii ahaa in Itoobiya ay tahay inay marin badeed hesho, nabad ama colaad midkii ay ku heshaba.
Cabsida iyo kalsoonidarrada u dhexaysay dhinacyada kaladuwan ayaa ugu danbayn horseedday in 20kii Sebteenbar 2026 toddoba urur oo mucaarad ahi ay ku dhawaaqaan isbahaysi ka dhan ah xukuumadda Addis Ababa. Ururradaas waxaa ka mid ah Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray (TPLF), Dhaqdhaqaaqyada Hubaysan ee Amxaarada (Fano), Ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) iyo Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF). Si kastaba ha ahaatee, waxaa weli taagan weydiimo waaweyn oo ku saabsan iskuduubnaanta iyo sii jiritaanka isbahaysigan, maadaama kooxaha ku midoobay ay leeyihiin dano isdiiddan iyo khilaafaad taariikhi ah oo aan weli xal loo helin.
Tusaale ahaan, Oromadu, xitaa qaybaha sida weyn uga soo horjeeda Abiy Axmed, uma muuqdaan kuwo si fudud u taageeri kara in xukun ay Oromadu hoggaaminayso lagu rido kacdoon ay hormuud ka yihiin Amxaarada iyo Tigreegu. Sidoo kale, Amxaarada iyo Tigreega waxaa weli kala qaybiya loollan siyaasadeed oo ku saabsan hoggaanka dalka iyo khilaafaad dhuleed oo aan weli xal waara laga gaarin. Sidaas darteed, inkastoo ay dhinacyadani si ku-meel-gaar ah ugu midoobeen mucaaradka xukuumadda Addis Ababa, haddana khilaafaadkooda taariikhiga ah ayaa caqabad ku noqon kara iskuduubnaanta isbahaysiga.
Gabagabadii, dagaallada iyo qalalaasaha siyaasadeed ee Itoobiya ma aha dhacdooyin kedis ah oo ka dhashay khilaafaadka maanta taagan; waxay qayb weyn ka yihiin dhaxal taariikheed oo soo taxnaa tan iyo Boqortooyadii Abasiiniya. Qaabdhismeedkii Itoobiya ayaa horseeday cabashooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho, taas oo dhalisay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo hubaysan oo uu ugu weyn yahay kacdoonkii siyaasadeed ee ay Oromadu hormuudka ka ahayd, kaas oo sababay in Abiy Axmed uu xukunka qabto.
Si kastaba ha ahaatee, rejadii laga qabay inuu Abiy horseedo isbeddel ayaa meesha ka baxday, kaddib markii xukuumaddiisu dib ugu laabatay fikradda dawlad dhexe oo awood leh oo dalka xoog ku muquunisa. Arrinkaasi wuxuu niyadjab ku abuuray qaybo ka mid ah Oromada, oo u arkay inuu Abiy ka leexday nidaamka federaalisamka qowmiyadaha ku dhisan, halka Amxaarada, Tigreega iyo shucuub kale ay iyaguna ka niyadjabeen rejadii laga qabay dawlad furfuran oo dimuqraadi ah oo ku dhisan heshiis siyaasadeed loo dhanyahay.
Ugu danbayntii, haddii aan la helin Itoobiya cusub oo ku dhisan heshiis siyaasadeed ay shucuubta kaladuwani si wadajir ah uga heshiiyaan arrimaha masiiriga ah ee dalka, sida awoodqaybsiga, federaalka iyo qaabka dalka loo maamulayo, waxay u eg tahay in dagaallada soo noqnoqday ay dalka u horseedi doonaan burbur siyaasadeed iyo mid dawladnimo oo aan laga soo waaqsan karin.
WQ: Bashiir Maxamed Cali
Falanqeeye siyaasadeed