Soomaaliya waxay u baahantahay inay dib u dhisto wax dhaafsiisan waddooyin la maro, hay’ado ama xafiisyo dawladeed. Waxay, dhab ahaan, u baahantahay inay dib u dhisto ‘kalsooni’: kalsooni ah in qof kasta oo Soomaali uu meel kasta u safri karo isaga oo aan la eegaynin qabiilka uu ka soo jeedo; kalsooni ah in askarigu uu yahay astaan qaran, uuna ka tirsanyahay qaranka uu u adeegayo; iyo midda ugu muhiimsan oo kalsoonida inaan qof bani’aadan ah loo dili karin keliya jifada ama qabiilka uu ka dhashay awgeed.
Dil dhowaan la soo sheegay oo uu ku saabsan yahay milicsigan, wuxuu si xanuun badan u muujinayaa inta uu aargoosiga qabiilku bani’aadanka uga fogayn karo danqashada damiirka. Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa ka safrayay saldhiggiisa milatari, isagoo ku sii jeeday qoyskiisa. Intii uu safarka ku jiray, wuxuu maray degaan ay deggan yihiin dad lala xiriirinayo colaad ka dhex jirta qabiilkiisa. Waa la joojiyay, waxaana loo aqoonsaday inuu ka soo jeedo qabiil kuwa isaga qabtay ay iska soo horjeedaan, waxaana loo bartilmaameedsaday sababtaas awgeed.
Waxa ugu murugada badan ee ay sheekadani xanbaarsan thay ayaa ah in dhibbanaha aan si fudud loogu aqoonsan inuu ka tirsan yahay qabiilka loo arkayay in uu cadowga tolka. Wuxuu ahaa qof leh abtirsiin isku dhafan. Hooyadiis waxay ka soo jeedday isla qabiilka kuwa qabtay ay ka soo jeedaan. Xiriirka dhinaca hooyada ahi, marka la eego xiriirrada bulshada Soomaaliyeed, wuxuu masiibada ka dhigayaa mid sii adkaanaysa in la fahmo: raggii qabtay waxa uu ugu yeerayay marxuumka ay dili doonaan “abti” oo ah erey xanbaarsan dhalasho dhow oo ay wadaagaan kuwaan laftooda oo hooyadiis ayay dhaleen. Hasayeeshee, xitaa xiriirkaas abtinimo iyo baryadii uu baryay ma aysan badbaadin naftiisa.
Sida ku cad warbixinta, askarigu wuxuu afduubayaashiisii ku baryaayay ereyo ay tahay inay damiirka qof kasta oo bani’aadan ah gilgishaan:
“Abtiyaal, waan gaajaysanahay. Tan iyo subaxdii waxba ma cunin.”
“Abtiyaal, ma aanan samayn wax aan ku mutaysto dil.”
“Abtiyaal, caafimaadkaygu ma fiicno. Waan xanuunsanahay.”
Waxay ahayd fiidkii, wuuna gaajaysnaa. Oo waliba xanuunsanaa. Wuxuu sheegay inuusan wax dembi ah gelin. Wuxuu baryayay rag uu ugu yeerayay abtiyaal. Hasayeeshee, sida la sheegay, baryadiisii waa la iska indha tiray, waana la dilay.
Haddii dhacdadan si dhab ah loo xaqiijiyo, dilku ma aha oo keliya masiibo ku dhacday hal qoys. Waa digniin akhlaaqeed oo weyn oo ku saabsan waxa dhaca marka aqoonsiga qabiilku uu ka xoog bato karaamada bani’aadamka, diinta, muwaadinnimada, sharciga iyo damiirka.
Geerida askari loo dilay qabiilkiisa awgeed si gaar ah ayay u xanuun badantahay, sababtoo ah ujeeddada ciidanka qaranku waa inuu ka gudbo kalaqaybsanaanta noocaas ah. Dirayska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed waa inuu ka dhiganyahay in qofka xirani uu u adeegayo Soomaaliya, ee uusan u adeegaynin nasab gaar ah. Marka askari qaran lagu joojin karo waddo dadweyne, lagu aqoonsan karo qabiilkiisa, laguna dili karo aqoonsigaas awgiis, farriintu waxay ka gudbaysaa dhibbanaha. Waxay askari kasta oo Soomaaliyeed u sheegaysaa in adeegga uu u hayo qaranku uusan ku filnayn kana ilaalin karin xisaabaha gaarka ah ee ay sidato qabyaaladdu. Waxay muwaadiniinta caadiga ah u sheegaysaa in badbaadadoodu ku xirnaan karto cidda maamusha waddooyinka la isu maro halkii ay ku xirnaan lahayd awoodda dawladda iyo sarraynta sharciga. Waxayna bulshada u sheegaysaa in dawladdu weli la tartamayso nidaamyada aan rasmiga ahayn ee ku dhisan qabyaaladda iyo aargoosiga.
Tani waa sababta dhismaha dawladnimada Soomaaliya ay u tahay in loo fahmo mashruuc lagu dhisayo akhlaaqda bulshada iyo nabad ku wada noolaanshahooda, sida uu u yahay mashruuc dib u dhis hay’ado dowladeed oo xooggan.
Dhismaha dawladnimo laguma gaaro oo keliya samaynta wasaarado, meelmarinta sharciyo, qorista ciidamada amniga ama qabashada doorashooyin. Waxaa lagu gaaraa marka muwaadiniintu si tartiib ah u rumaystaan in sharcigu ka xoog badan yahay aargoosiga, in muwaadinnimadu ka muhiimsan tahay qabiilka, iyo in nolosha qof Soomaaliyeed ay qiimo leedahay iyada oo aan loo eegin nasabkiisa.
Aargoosiga qabiilku aragtidaas lama jaanqaadi karo.
Ma jirto bulsho dhisi karta nabad waarta iyadoo carruurteeda—si toos ah ama si dadban—baraysa in aqoonsiga qof loo arko cadow sababtoo ah qabiilkiisa taasna sabab u noqon karo dilkiisa. Ciqaab wadareed waa mid akhlaaq ahaan aan sinnaba loo difaaci karin, sababtoo ah qofna ma dhaxli karo lagumana ciqaabi karo dembiga uu galay qof kale. Askari gurigiisa ku sii jeeda dambiile kuma noqon karo oo keliya sababtoo ah qof ka tirsan qabiilkiisa ayaa meel kale dembi ka geystay. Caddaaladdu waa inay noqotaa mid ku salaysan shaqsiga iyo dambiga uu isagu gaystay, caddayn ku dhisan oo sharci ah, aargoosigu midkoodna ma aha.
Dhacdadan waxay, sidoo kale, xanbaarsantahay arrimo damiirka nool dhaqaajinaya, bal suurayso in la dilo qof ku baryootamaaya xiriir kala dhexeeya kuwa isaga dilaya , sida “abti” oo kale. Dhaqanka Soomaaliyeed sooyaal ahaan wuxuu muhiimad weyn siiyay waajibaadka xigtada, martisoorka, ilaalinta iyo mangalyada xigaalka, dhinaca hooyada. Hasayeeshee, dhaqanka marna looma adeegsan karo rabshad loogu cudurdaaro dambi shaqsi kale gaystay, iyadoo la tuurayo qaayasoorrada bani’aadantinimo. Haddii aqoonsiga qabiilku uu ehelnimada (si gaar ah “abtinimada”) uu meesha ka saaro, una beddelo in lagu bannaysto dilka qof aan waxba galabsna, markaas aargoosigu wuxuu dhaawacay xiriirradii bulsheed ee ay qabiilooyinku sheeganayaan inay difaacayaan “waa ratigii reeryadiisa cunay”.
Diintu waxay dejisay xad akhlaaqeed xoog badan. Si ulakac ah in loo qaado nolosha qof aan waxba galabsan lagama dhigi karo wax loo oggolyahay qabiil, si kasta oo ay tabasho taariikhi ah ama xusuus wadareed u qabaan, marna suurtagal ma aha in iimaanka lagu soo koobo salaad iyo cibaadooyin kale, iyadoo karaamada aasaasiga ah ee bani’aadamka lagu duudsiinayo xurgufooyin hore awgood. Mabaadi’da diintu waxay dalbanayaan caddaalad, isxakamayn, naxariis iyo islaxisaabtan. Tabasho waxay u baahan kartaa caddaalad; balse marna qof gaar ah ma siinayso awood uu ku noqdo garsoore, xeerbeegti iyo fuliyaha xukunka dilka.
Maxaan ka baranaynaa dilkan arxandarrada ah?
Marka kowaad, dalku wuxuu u baahanyahay dhaqan xooggan oo ku dhisan muwaadinnimo loo siman yahay. Soomaali kasta waa inuu awood u yeeshaa inuu meel kasta oo dalka ka mid ah ku safro, ka shaqeeyo, wax ku barto oo ugu adeego dalkiisa isaga oo aan qarin aqoonsigiisa qabiil cabsi uu ka qabo darteed. Tani waxay u baahan tahay wacyigelin dadweyne, wadahadal bulsho iyo hoggaan siyaasadeed oo si joogto ah u diida hadallada xanbaarsan eedda wadareed ee qabyaaladaysan.
Marka labaad, hay’adaha amniga qaranku waa inay si dhab ah u noqdaan kuwo qaran. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee amnigu waxay u baahanyihiin heerar xirfadeed, silsilado amar oo la isku halayn karo, habraacyo ammaan ah oo lagu safri karo iyo hannaan lagu ilaaliyo shaqaalaha lagu beegsanayo qabiil awgiis. Askari qaran waa inuu dareemaa in dawladdu garab taagan tahay, iyada oo aan loo eegin nasabkiisa.
Marka saddexaad, bulshooyinku waa inay kala saaraan dibuheshiisiin iyo islaxisaabtan-la’aan. Joojinta colaadda qabiilku macnaheedu ma aha in dhibbanayaasha la illoobo. Sidoo kale, macnaheedu ma aha in qoys kasta loo oggolaado inuu raaco nooca uu isagu u yaqaan caddaalad. Dibuheshiisiin waarta waxay u baahan tahay run, islaxisaabtan, magdhaw marka ay habboon tahay, cafis marka si xor ah uu ku yimaado, iyo dammaanadqaadaysa inaan rabshad hore loo xaliyay aanan dib loo soo celin.
Marka afaraad, hoggaanka siyaasadeed ee Soomaaliya waa inuu joojiyo inuu rabshadaha qabiilka u arko sifo aan laga maarmi karin oo nolosha Soomaaliyeed ka mid ah. Waa la fahmi karaa in qaabdhismeedyada qabiilku weli awood ay bulshada ku dhex leeyihiin. Laakiin, bisaylka siyaasadeed wuxuu u baahan yahay in qaabdhismeedyadaas loo beddelo kuwo taageera wadanoolaansho nabadeed, halkii ay go’aamin lahaayeen cidda mudan ilaalinta iyo cidda la dili karo.
Marka shanaad, odayaasha degaanka iyo culimada diintu waxay leeyihiin masuuliyad muhiim ah. Waxay xoojin karaan silsiladaha aargoosiga ama waxay noqon karaan xoogag awood leh oo xakameeya. Marka nin dhallinyaro ah loo joojiyo qabiilkiisa awgiis, faragelinta ugu horraysa waa inay noqotaa: “Waa bani’aadan, waa muwaaddin Soomaaliyeed, wax dembi ahna ma uusan gelin.” Mabda’aas waa inuu ka xoog bato dareenka aargoosiga iyo uurgummaarka raagay.
Ugu danbayn, Soomaali kasta waa inuu isweydiiyaa su’aalo aad u xanuun badan: Dal noocee ah ayaynu isku dayaynaa inaan dhisno? Ma dhisaynaa Soomaaliya uu qof ku badbaado sababtoo ah waa muwaadin, mise Soomaaliya ay badbaadadiisu ku xiran tahay qabiilkiisa? Ma dhisaynaa ciidan matala qaranka, mise waxaan keliya darees qaran u gelinaynaa shaqsiyaad weli u nugul rabshadaha qabiilka? Ma dhisaynaa nidaam caddaaladeed, mise caddaaladda waxaan u daynaynaa cidda maamusha waddooyinka la isaga gudbo? Oo ma ilaalinaynaa dhaqanka Soomaaliyeed, mise waxaan u oggolaanaynaa qaababka ugu xun ee aargoosiga qabiilku inay burburiyaan qiyamka qaraabanimada, martisoorka, karaamada iyo naxariista ay Soomaalidu si sax ah ugu faanto?
Baryadii ugu danbaysay ee askariga laga soo xigtay waxay ahayd in uu ku halaanhalay gaajo, denbi-la’aan iyo xanuun uu dareemayo, dhabtiina dhammaantood waa arrimo danqasho leh. Ma ahayn dood siyaasadeed. Waxay ahaayeen ereyo bani’aadantinimo ku qotama. Adeegsigiisa ereyga “abti” ma ahayn difaac sharciyeed oo uu cuskanayay; wuxuu ahaa codsi ku wajahan xiriir ehelnimo oo ay ahayd inuu keeno naxariis iyo u danqasho dhalasho.
Taasi waa sababta sheekadani aysan u noqon karin dhacdo kale oo murugo leh oo dhowr maalmood la xasuusto dabadeedna lagu aaso dhibaatada xigta.
Haddii Soomaaliya ay dhab ka tahay dibudhiska nidaamka dawladnimo, dhacdooyinka noocan ahi waa inay noqdaan xisaabtan akhlaaqeed oo qaran. Dalku wuxuu u baahanyahay hay’ado ka hortagi kara dilalka aan sharciga ahayn, bulsho diidda ciqaabta wadareed, hoggaamiyayaal si aan leexleexasho lahayn u canbaareeya, ugana dhiidhiya aargoosiga, iyo muwaadiniin fahansan in qabiilna uusan ka weynayn nolosha bani’aadanka.
Imtixaanka ugu danbeeya ee dhismaha dawladnimadu ma aha in dawladdu ku hadli karto magaca qaranka. Waa in qof kasta oo Soomaali ah oo caadi ahi rumaysan karo in qaranku ilaalin doono naftiisa, sharaftiisa iyo hantidiisaba.
Soomaaliya oo askariga qaranka lagu dili karo oo keliya inuu ka tirsan yahay qabiil gaar ah weli ma aha Soomaaliya ballanqaadayso dhismaha dawladnimada bulshadu u baahan tahay.
Hawsha ina hor taalla sidaas darteed ma aha oo keliya inaan dhisno dawlad ka xoog badan qabaailka, balse waa inaan dhisno fahan ka xoog badan oo ku saabsan cidda aynu nahay: marka hore Soomaali, muwaadiniin si siman sharcigu u ilaaliyo, iyo bani’aadan noloshooda aan lagu qiimayn karin qabiil. Dhabtiina, qabiil kastana intaas ayaa deeqda.
Waddada dibuheshiisiinta qaranku waxay bilaabataa marka aargoosigu dhammaado. Waxayna ku dhammaataa marka nolosha Soomaali kale ay ka qiimo badnaato tabashada aynu ka qabno qabiilkiisa.
WQ: Maxamed Aadan Cabdiraxmaan
Khabiir Arrimaha Maamulwanaagga