U bood dhigaalka

Xoojinta Ammaanka Badda Cas: Qalalaasaha ka Qiiqaya Geeska Afrika

Sebteembar 26, 2026

Khataraha Badda Cas ayaa sii kordhaya, sababtuse aha Xuutiyiinta oo qura ma aha. Loollanada Geeska Afrika ayaa isbuuranaya, sidoo kale, waxay sababayaan faragelinta awoodo dibadeed, taasoo halis cusub ka sii hurinaysa marinbadeed halbowle u ah ganacsiga adduunka.

Yemeni soldiers patrol the strategic Bab el-Mandeb Strait, Yemen, Sunday, April 5, 2026. (AP Photo/Abdulnasser Alseddik)Image bypicture alliance / ASSOCIATED PRESS | Abdulnasser Alseddik ©

Weerarrada ay Xuutiyiintu ku qaadeen warshadaha shidaalka ee Sucuudigu waxay sii kordhiyeen aloosnaanta xiisadda iskeed u cakiran ee marinka Baabulmandab. Hasayeeshee kooxdan ay taageerto Iiraan maaha halista keliya ee waxyeellaysa ammaanka Badda Cas. Dhinaca kale ee badda loollan isku maran ayaa ka socda Geeska Afrika, kaas oo ay gadaasha ka hurinayaan awoodo heer dhexe ah oo beretan ku jira. Tanina waxay halis hor leh ku tahay mid ka mid marinnada badda ee ugu muhiimsan caalamka.

Waqtigu waa gabaabsi, waayo dagaalka Maraykanka iyo Iiraan u dhexeeyaa wuxuu muujiyay goljilicda marinka Hurmus, taasina waxay cusboonaysiiyay danaynta jidad waxdhoofineed oo beddelkiisa ah. Bilihii Abril iyo May, maalin kasta Sucuudigu wuxuu ka dhoofiyay Badda Cas in u dhexaysa saddex ilaa afar milyan oo foosto oo shidaal ah. Tani waa labanlaabka xaddigii la mariyay marinka Baabulmandab sannadkii 2024. Sidoo kale, mashaariicda tamarta ee lagaga maarmayo marinka Hurmus waxay kordhinayaan ahmiyadda Baabulmandab, sida ballaarinta taxa tuunbooyinka Bari iyo Galbeed ee Sucuudiga, ama khadka la qorshaynayo ee isku xiraya Ciraaq iyo dekedda Caqaba ee Urdun ee Badda Cas.

Waxay muujiyeen Xuutiyiintu siday u fududahay in la carqaladeeyo Baabulmandab, halistuse Yaman oo keliya kama imanayso. Waayo dagaalka Suudaan wuxuu xoog ugu sii fidayaa dhibaatada Itoobiya iyo Ereteriya. Waqooyiga Soomaaliyana, waxa isdhexgalay loollanka maxalliga ah iyo tartanka Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo ka Israa’iil iyo Turkiga, taas oo qalalaase cusub ka oogaysa Gacanka Cadan. Isla waqtigaas waxaa soo labakacleeyay burcadbadeeddii oo taageero xooggan ka helaya ururka al-Shabaab. Intii u dhexaysay Abriil iyo Meey waxay afduubeen burcadbadeed Soomaali ahi saddex doonyood oo marayay Gacanka Cadan, kuwaas oo ay laba ka mid ahi ahaayeen kuwo shidaal. Tani waa tiro afduub oo ka badan intii aynu aragnay shantii sanno ee ugu danbeeyay oo la isku daray.

Faafitaanka diyaaradaha iswada ee raqiiska ahi waxay ka dhigan tahay in dawladaha iyo jihooyinka aan xukuumiga ahayni ay qarash kooban ku beegsan karaan marinbadeedkan ciriiriga ah. Inkasta oo aanay weli kooxo kale ku dhaqaaqin xeeladaha Xuutiyiinta, haddana kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa bishi Jeenaweri ka fulisay Budlaan weerarkii ugu horreeyay ee loo diiwaangeliyay ee ay fulisay diyaarad iswadda. Sida oo kale warbixinno ayaa sheegaya inay kooxda al-Shabaab u adeegsatay diyaarado iswada ujeeddooyin sahan iyo kuwo borobagaando.

Carqalad kasta oo ku timaadda qulqulka ganacsi iyo qulqulka tamareed ee marinka BaabulMandab wuxuu yeelanayaa raadayn aad u dhaafsiisan gobolka, gaar ahaanna wuxuu taabanayaa Yurubiyaanka tamarta soo dhoofsada iyo dhaqaalayaasha ku tiirsan waxdhoofinta. Sidaas darteed, mar kasta oo ay kororto ahmiyadda Badda Casi, waxa isna kordhaya ahmiyadda Geeska Afrika.

Iskumilanka Loollanada Geeska Afrika

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Xoogga ee Suudaan iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ahi (RSF) ma aha loolan xayndaaban. Loollankani wuxuu keenay barakac wadareed, waxaanu khalkhaliyay xasilloonida dawladaha deriska. Sidoo kale wuxuu lugta la galay hirdanka Itoobiya iyo Ereteriya, arrintan oo kor u qaadaysa haliska iskudhac ballaaran oo ku dhereran Badda Cas.

Adis Ababa weli waxay waddaa dadaalka ay ku doonayso inay ku hesho irrid badeed oo Badda Cas ah, gaar ahaan dekadda Casab ee Ereteriya. Asmarina dhankeeda waxay xoojisay xiriirka ay la leedahay hoggaanka gobolka Tigraay, iyo kooxo kale oo mucaarad ah oo gudaha Itoobiya ka jira. Tartanka labadooda ka dhexeeyaana wuxuu ku sii fidayaa Suudaan. Warbixinno ayaa sheegaya iskaashi xoogaysanaya oo ka jira jihada bariga oo u dhexeeya xooggaga Tigraay, ciidanka Suudaan iyo Ereteriya. Sida oo kale Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee ku sugan gobolka Niilka Buluugga ah ee Suudaan ayaa taageero ka helaya Itoobiya. Farantan cusub ee ay fureen Ciidanka Gurmadka Degdegga ahi waxay dhinaca ku haysaa dalka Koonfurta Suudaan, oo ay xukuumadiisu isku dayayso inay xakamayso fallaagada kobcaysa ee qabiilka Nooyar, oo ah isirka labaad ee ugu badan dalka. Arrinkani wuxuu ka dhigayaa gobolka xuduudda saddexda dal ee ballaaran aag loollan oo weyn.

Colaad kasta oo dhex marta Itoobiya iyo Ereteriya waxay u badan tahay inay lug ku yeelan doonaan kooxaha Suudaan iyo awoodo dibadda ahi, kuwaas oo ay ugu mudan tahay Masar, oo si weyn ugu janjeerta dhanka ciidanka Suudaan iyo Ereteriya. Waxay Masar u aragtaa halis amni oo daran Biyaceliyaha Weyn ee Kacaanka Itoobiya (GERD), kaas oo ku yaalla meel u dhow xuduudda Suudaan .

Qalalaasahan waxa sii hurinaya isbahaysiyada Bariga Dhexe ee tartamaya. Tusaale ahaan Masar-Turkiga-iyo-Sucuudigu waxay taageeraan ciidanka Suudaan iyo Ereteriya; halka Imaaraadka iyo Israa’iil ay xiriir la leeyihiin Itoobiya iyo Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF). Taageeradan awoodaha shisheeye waxay ku dhiirrigelinaysaa dhinacyada maxalliga ah inay awood ka-badbadis ah isbidaan, taas oo keeni karta iskudhac gobol oo ballaaran, kaasoo halis gelin kara amniga Badda Cas iyo ka gooshitaankeeda.

Mawjadda Kacsan ee Soomaaliya

Soomaaliya waxay noqon kartaa faranta labaad ee ugu weyn qalalaasaha Badda Cas. Sida uu xaalku ahaa saddexgeeska Itoobiya-Ereteriya-iyo-Suudaan loollannada maxalliga ah waxa ku maran hirdanka Bariga Dhexe ee xasaasiga ah.

Diisanbar 2025kii waxay aqoonsatay Israa’iil Jamhuuriyadda Soomaalilaan ee goosatada ah, ee uu Imaaraadku taageero. Waxay labada dhinac kala saxeexdeen heshiisyo amni, oo isugu jira tababbarada iyo iskaashiga sirdoonka. Sida oo kale Israa’iil waxa la filayaa inay dhowaan geyso ciidamo kooban saldhigga Imaaraadka ee Berbera, taas oo la sheegayo inay casriyayni ka socoto. Waxay muujisay booqashadii madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee uu Israa’iil ku tegay dhammaadkii Juulay heerka qotada dheer ee uu xiriirka labada geesood marayo.

Muqdisho waxay kaga jawaabtay aqoonsigan inay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii amni ee ay la lahayd Imaaraadka. Waqtigaas laga soo bilaabana waxay u dhowaatay Suduudiga iyo Gadar oo ay la galeen heshiisyo difaac, iyada oo sida oo kalana sii xoojisay isbahaysigii hore ee ay la lahayd Turkiga.

Iyada oo badhtanka kaga jirta Abu Dabi laacdankeeda Muqdisho, waxay kordhisay taageerada ay siiso Budlaan iyo Jubbalaan, oo ah laba ismaamul oo Dawladda Federaalka ah xiriirka u jaray sannadkii 2024kii, iyaga oo raba inay sii adkeeyaan madaxbannaanidooda. Ahmiyadda taageeradani waxay sii xoogaysatay xilligan oo ay Soomaaliya gashay khilaaf dhanka hoggaaminta federaalka ah.

Maaris 2026 wuxuu ku darsaday madaxweyne Xasan Sheekh muddaxileedkiisa iyo ka Baarlamaanka hal sanno oo dheeraad ah, markiii uu waqtigu ka dhammaaday 15 May. Waxa diiday muddokordhintan shakhsiyaad mucaarid ah, oo ay ku jiraan hoggaanka Jubbalaan iyo Budlaan, iyaga oo ku baaqay in doorasho la qabto. Markii ay dhexdhexaadintii burburtay, waxaa qarxay dagaal u dhexeeya xoogagga Xukuumadda iyo isbahaysiyada Mucaaridka Muqdisho 3dii iyo 4tii Juulaay. Tani waxay ina xasuusinaysaa xasarradii la socotay hannaankii doorashada ee sannadihii 2020 iyo 2021.

Inkasta oo ciidamada Federaalka ah ee faraha badan ee caasimadda joogaa ay adkaynayaan in madaxweynaha awood xukunka lagaga rido, haddana qalalaasuhu wuxuu ka oogmi karaa goobo kale. Meesha ugu werwerka badanina waa Waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo hirdan maxalli ahi xoog u soo jiidanayo dhinacyo dibadadeed.

Laga soo bilaabo ku dhawaaqistii goonigoosadkii 1991, degaankan waxa gacanta ku haysay Soomaalilaan. Balse gobollada bariga ee Sool, Sanaag iyo Cayn gacankuhayntoodu waxay ahayd mid muran ka joogo, oo ay kula loollamayeen beelaha degaanka iyo dawladgoboleedka Budlaan ee deriska la ah. Xiisadahani waxay isu rogeen dagaal hubaysan sannadkii 2023, dagaalkaas oo ay ciidamada beesha Dhulbahante ee dawladda dhexe taageersani ku jebiyeen ciidankii Soomaalilaan. Markaas kaddib Muqdisho waxay taageertay in maamulgoboleed cusub laga dhiso degaankan, maamulkaas oo ah dawladda Waqooyibari, oo ku fadhiya dhul ay sheeganayaan Soomaalilaan iyo Budlaanba.

Jaa’isadda weyn ee loo ordayaa waa gobolka Sanaag, ee ku yaalla xeebta Gacanka Cadmeed kaas oo leh ahmiyad istiraatiiji ah. Jilibyada gobolkan deggani waxay taageeradoodu u qaybsan tahay Soomaalilaan, Budlaan iyo Muqdisho, iyada oo abaaraha jiraana ay sii hurinayaan loollanka loogu jiro khayraadka. Qaybsanaanta gobolkan ka jirtaa waxay fursado soojiidasho leh u yihiin dhinacyada dibadda.

Waxa jira warbixinno sheegaya inuu Turkigu qorshaynayo saldhig inuu ka samaysto Laasqoray, oo ah magaalada ugu muhiimsan xeebta Sanaag. Waxa lagu arkay xeebtan doonyo Turkigu leeyahay iyo diyaarado ku xiran Imaaraadka. Isla waqtigaas Muqdisho waxay doonaysaa inay kasbato jilibbo reer Budlaan ah iyo ganacsato ku xanaaqsan madaxweynaha maamulka, sidoo kalana waxay ishaartay inay ciidano geyn doonto Soomaalilaan.

Caynkaas ayuu Waqooyiga Soomaaliya isugu rogayaa barxad dagaal, oo qaybsanaanta maxalliga ah iyo hirdanka awoodaha dibaddu ku kulmayaan. Waa hirdanka u dhexeeya Sucuudiga iyo Imaaraadka, ama Israa’iil iyo Turkiga. Loollan kasta oo toos ah oo gobolkan ka bilaabmaa wuxuu halis ku yahay Gacanka Cadan, sidoo kale wuxuu fursado u abuurayaa jihooyin kale sida: shabakadaha burcadbadeedda, ururka Daacish ee Soomaaliya, iyo argaggaxisada al-Shabaab, oo dhammaantood ka hawlgala gobolka. Labada urur ee jihaadiga ahi waxay hub laga soo tabriibiyay Xuutiyiinta ka heleen xeebaha gobolka.

Dhanbaal ku Socda Yurub

Xasilloonidarrada Geeska Afrika wuxuu halis kale ku abuurayaa isaga gooshitaanka Badda Cas, kaas oo toos u saamaynaya amniga iyo xasilloonida dhaqaalaha Yurub. Dhaqaalaha Yurub ee dheeldheelliyayaana ma ka karo inuu qaado culays kale oo kii marinka Hurmus ku soo biira. Sidaas darteed, waa inay Yurub iska dhaafto sawirka laga haysto ee ah inay tahay keliya jiho deeqbixiye ah. Waa inay samayso kahortag isugu jira awood debecsan iyo awood adag.

Dhab ahaan Midowga Yurub waxa ka jooga Geeska Afriga laba hawlgal badeed oo kala ah “Aspides” iyo “Atalanta”, laakiin labada hawlgal waxa loo hindisay laba halisood oo kaladuwan. Atalanta waxa loo sameeyay si looga hortago burcadbadeedda Soomaalida, halka Asbides loo aasaasay si ay doonyaha uga ilaaliso weerarrada Xuutiyiinta, iyada oo leh waajibaad difaac oo bareer ah.

Maadaama oo ay halista badeed sii kordhayso, waa inuu Midowga Yurub kordhiyo tirada baahsanaanta labadan hawlgal, isla markaana waa in lagu soo kordhiyo waajibaadkooda hawlo weerar, gaar ahaan kuwo ka dhan ah argaggaxisada al-Shabaab iyo ururka Daacish ee Soomaaliya. Arrinkani wuxuu keenayaa xoojinta dadaallada ladagaallanka burcadbadeedda, iyo kordhinta cadaadiska la saarayo dhinacyada gildilaya xasilloonida, isla markaana wuxuu dirayaa dhanbaal amni iyo awooded oo ay Yurub ku leedahay Badda Cas kaas oo la isku hallayn karo.

Si loo yareeyo cabsida aargoosi, waa inay reer Yurub niyadda u dejiyaan dawladaha gobolka sida Sucuudiga iyo Jabuuti, una sheegaan in ballaarinta hawlaha weerar laga reebayo Xuutiyiinta. Sidoo kale, waa inay reer Yurub ku dadaalaan inay helaan joogitaan ciidan oo ka yimaadda darafyada reer Aasiya ee danaha waaweyn ka leh amniga Badda Cas, sida Kuuriyada Koonfureed iyo Jabbaan.

Isla waqtigaas waa inay Midowga Yurub iyo dawladaha xubnaha ka ahiba si toos ah ula xiriiraa dhinacyada Waqooyiga Soomaaliya, sida Soomaalilaan iyo Budlaan. Waayo joogitaanka xooggan ee reer Yurub ee dhanka amniga iyo horumarku wuxuu kordhin karaa saamaynta lagu yeelanayo gobolka xasarrada badan, taasina waxay wax ka taraysaa dedaaladda loogu jiro xasilintiisa. Sida oo kale waxa hawlgalka Midowga Yurub la siin karaa waajibaad dheeraad ah, tusaale ahaan, inuu taageero hawlgallada ka dhanka ah Daacish iyo al-Shabaab ee ay wadaan Budlaan iyo Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wadashaqayntan weyni waxay Yurub siinaysaa saamayn dheeraad ah ay ku riixi karto wadahadallada Xukuumadda Federaalka ah iyo Soomaalilaan iyo Budlaan ee ku saabsan dhulka lagu muransan yahay; iyo inay siyaasiyiinta Soomaaliya ku qalqaalliso xal u helidda ismarinwaaga ka jira doorashada.

Iyada oo taas laga duulayo, waa inuu Midowga Yurub ku dhaqmo maangalka wax-is-dhaafsiga si ay taageeradiisa dhaqaale uga qaybqaadato yoolalkan xasillinta gobolka, taageeradaas oo sannadka 2026 dhan 139 milyan oo yuuri, oo isugu jirta 76 Milyan oo oo lagu taageero hawlgalka Midowga Afrika, iyo 63 Milyan oo ah taageerada gargaarka aadaminimo.

Waa in Midowga Yurub ay si adag ula shaqeeyaan Maraykanka iyo Ingiriiska, labadooda oo hore u hoggaamiyay dadaallo heshiisiineed oo lagu kalsoon yahay, oo la xiriiray ismariwaagii doorashada iyo dadaallada ammaanka ee Waqooyiga, sida ladagaallanka Daacish. Iskaashi kaas la mid ah ayaa xoojin kara dadaallada lagu xasilinayo xasarrada u dhexaysa Itoobiya iyo Ereteriya, iyada oo ay Waashintoon xiriir la samaysay labada dhinacba dhowaan.

Ugu danbayntii, waa mahurto in xirhiir lala yeesho dhammaan dhinacyada saamaynta leh ee Bariga Dhexe. Xasilloonidarrada Geeska Afrika waxa sii hurinaya falalka tartan ee u dhexeeya labada garab ee samaysmaya ee kala ah Sucuudiga-Masar-iyo-Turkiga iyo garabka Israa’iil-iyo-Imaaraadka. Dagaalkii ugu danbeeyay ee Iiraan lala galayna wuxuu sare u qaaday qaddarinta ay dawladahani u hayaan iskaashatooyinka caalamiga ee la isku hallayn karo iyo xasilloonida gobolka. Markaa waa inay Yurub ammintan uga faa’iidaysato inay cadaadiskeeda isugu gayso in lays xakameeyo.

Midowga Yurub, Jarmalka, Faransiiska, Talyaanjga iyo Isbayn, iyaga oo kaashanaya Ingiriiska, iyo haddii ay suurtagal tahay Maraykanka, waa inay u caddeeyaan awoodaha Bariga Dhexe in taageero kasta oo ay u fidiyaan Itoobiya ama Ereteriya oo sii ballaarin karta hirdanku inuu yahay khad cas, oo ay ka dhalanayaa ciqaabo degdeg ah oo saamaynaya xiriirka dalalkaasi la wadaagaan Midowga Yurub heerar kasta oo uu leeyahay. Qorshahan oo kalana waa in lagu dhaqmo awoodaha Bariga Dhexe marka laga hadlayo Waqooyiga Soomaaliya.

Waxyaabo waaweyn ayay qaban karaan reer Yurub si ay uga hortagaan inuu loollanka Geeska Afrika isu beddelo mushkilad weyn. Ma haystaan faakihaysi ay ku sugaan inta aysan xasaradda Geeska Afriga isu rogin xaalad degdeg badeed oo kale.

WQ: Martin Plaut