U bood dhigaalka

LOOLLANKA DIIMAHA (03): SHIICADA LABIYO TOBANLEYDA AH

Abriil 14, 2026

Labadii qormo ee hore ee Loollanka Diimaha waxaan kaga soo hadlay sida Injiiliyiinta Borotastanka ah ee xukuumadda Taraamb hoggaamiya, iyo Sahyuuniyadda diimeed ee xukuumadda Israa’iil xuurtaysay, ay labadooduba u aamminsan yihiin in duullaanka Iiraan iyo dagaalka Bariga Dhexe uu bilaw u yahay dhacdooyinka aakhirusamaanka iyo soolaabashada Masiixa la sugayo (oo ay ku kaladuwan yihiin ka uu yahay).

Qodobbada maantana waxaan kaga hadli doonaa Shiicada Labiyo Tobanleyda ah, oo ah garabka saddexaad ee dagaalkan dhinaca ka ah,  kuwaas oo iyaguna u arka duullaanka Iiraan iyo dagaallada Bariga Dhexe inuu hordhac u yahay soo banbaxa Mahdiga ay sugayaan iyo dhacdooyinka aakhirusamaanka.

1. Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan waxay ku dhisan tahay mad’habka Shiicada Imaamiyada labiyo tobanleyda ah. Waa mad’hab seeskiisu yahay inay laba iyo toban iimaam oo ah tafiirtii Nebi Maxamed (scw), oo uu Alle magacaabay, ay dhaxleen Nebiga. Iimaamkii 12aad, Maxamed al-Mahdi, wuxuu galay “dhuumasho Rabbaani ah” in ka badan kun sanno kahor, oo ku beegan sannadkii 941 M. Waxay aamminsan yihiin inuu nool yahay, oo uu qarsoon yahay, balse uu soo banbixi doono dhowaan, si uu caalamka caddalad uga dhigo, isla markaana dulmiga u baabiiyo.

2. Aragtidani Imaamiyadu waxay sees u tahay dastuurka Jamhuuriyadda Iiraan, waayo nidaamka “Taliska Wadaaddada Fiqiga” ee Iiraan wuxuu u dhisan yahay sidii xukuumad kumeelgaadh ah, oo uu hoggaamiyo Khaamini, oo wakiil ka ah imaamka maqan inta uu ka soo banbaxayo. Hoggaamiyaha sare ee Iiraan awoodiisa wuxuu ka ergistay Mahdiga maqan, ciidanka Ilaalada Kacaankuna wuxuu qorshayaashiisa oo dhan u dejiyay u gogolxaadhka imaanshaha Mahdiga la sugayo. Sababtaas ayay isugu fidiyeen dalalka gobolka sida Ciraaq, Suuriya, Lubnaan iyo Yaman; sidaas ayaanay uga dhigteen burburinta Israa’iil mid fure u ah imaatinka Mahdiga.

3. Shiicada oo lagu qiyaaso inay 10% ka yihiin tirada muslimiinta qaddiyaddoodu maaha mid imika bilaabantay, balse waxay la kawsatay sooyaalka siyaasadeed iyo ka caqiido ee Islaamka. Dhimashadii Nebiga (scw) kadib (632 M) waxa oogmay khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan cidda dhaxlaysa hoggaaminta ummadda. “Shiicada” oo macne ahaan ka dhigan “taageerayaashii Cali (Aala Baydka)” waxay ahaayeen kooxo u ololaynayay inuu dhaxalka Nebiga (scw) mudan yahay Cali binu abi Daalib (rc). Iyaga oo ka xanaaqsan in Abu Bakar Siddiiq (rc) ay muslimiintu doorteen Nebiga kadib, haddana waxay cadhadoodii sii korodhay markii dhacdadii Karbala (680 M) lagu dilay iimaam Xuseen binu Cali (rc). Markaas ayay “Shiicanimadii” waxay ka gudubtay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo u doodadaya xuquuqda Aala Baydka, waxaanay noqotay hayb diineed oo gaar ah.

4. Sababaha khilaafka ee Sunniga iyo Shiicada u dhexeeyaa way badan yihiin, oo dhacdooyinkaas sare kuma koobna, balse waxa ugu waaweyn kaladuwanaansho la xidhiidha: doorashada hoggaamiyaha (khaliifka/iimaamka), isha shareecada, qiimaynta saxaabada iyo habka cibaadada. Tusaale ahaan: A) Sunnigu waxay u arkaan iimaamku inuu yahay hoggaamiye siyaasadeed oo lagu dooranayo wadatashi bulsho, isla markaana ah bashar qaldami kara; halka ay Shiicadu u arkaan iimaamku inuu yahay tiir ka mid ah tiirarka diinta, isla markaana uu yahay mid Alle doortay, ahna maqaldame aan gef lahayn, sida oo kalena leh cilmi dahsoon. B) Sunnigu waxay shareecada ka qaataan Quraanka Alle iyo sunnada nebi Maxamed, waxaanay aqbalaan werinta saxaabada Nebiga (scw) oo dhan; Shiicadana seeska shareecadoodu waa Quraanka, sunnada Nebiga badhkeed iyo hadallada laba iyo tobanka Iimaam. C) Sunnigu waxay raalli ka yihiin dhammaan saxaabada oo dhan, waxaanay u arkaan inay dhammaantood yihiin xaqsheeg, darajooyinka uun ku kala sarreeya; halka Shiicadu ka colaadiyaan qayb saxaabada ka mid ah oo ay u arkaan inay Cali ka xoogeen xaqiisii khilaafada, sida oo kalena waxay ku talaxtagaan xurmaynta Aala Baydka heer muqadasnimo ah. D) Cibaado ahaan  Shiicadu waxay kulmiyaan waqtiga salaadaha duhurka iyo casarka, iyo waqtiga salaadaha maqribka iyo cishaa’iga, waxaanay ku sujuudaan dhagax laga sameeyay ciidda Karbala; sida oo kale sakada waxay bixiyaan 22.5% iyaga oo intii caadiga ahayd ku dara shandaloolka Aala Baydka (20%) oo ay siiyaan hoggaamiyaasha diinta. Sida oo kale waxay qabtaan sannad kasta xajka iyo baroordiiqda Afartanguurada, oo ay isugu yimaaddaan magaalada Karbala dad lagu qiyaaso 20 Milyan, taas oo la qabto afartan cisho kadib maalinta Caashuura, oo ku beegan dilkii iimaam Xuseen binu Cali.

5. Shiicadu waxay ka kooban yihiin dhawr kooxood, balse waxa ugu weyn kooxda Labiyo Tobanleyda, sida oo kalena loo yaqaanno Jacfariyada (fiqi ahaan). Shiicada Labiyo Tobanleydu waxay ka yihiin Shiicada caalamka 90%, waana Shiicada Iiraan, Ciraaq, Lubnaan, Aserbijaan iyo Baxrayn. Inkasta oo ay dhammaan Shiicadu yihiin imaamley, haddana waxay ku kaladuwan yihiin halka taxa imaamyada Aala Baydka lagaga hadhayo. Tusaale ahaan Shiicada Saydiyada ee dalka Yaman waxay taxa imaamyada kaga hadhaan iimaamka 5aad; halka ay Shiicada Ismaaciiliyadu taxa kaga hadhaan iimaamka 7aad. Shiicada Labiyo Tobanleyda a oo ah kuwa tirsada taxa ugu dheer waxay imaamyadoodu kala yihiin: Cali binu Abi Daalib (600-661 M), Xasan binu Cali (624-670 M), Xuseen binu Cali (626-680 M), Cali binu Xuseen (659-713 M), Maxamed binu Cali (677-733 M), Jacfar binu Maxamed (702-765 M), Muuse binu Jacfar (745-799 M), Cali binu Muuse (765-818 M), Maxamed binu Cali (811-835 M), Cali binu Maxamed (828-868 M), Xasan binu Cali (846-874), iyo Mahdiga maqan oo la yidhaahdo Maxamed binu Xasan, kaas oo dhashay sannadkiii 869 M isla markana dhuuntay sannadkii 941 M.

6. Fikradda Iimaamiyadu waxay ku dhisan tahay inuu dhulka joogo xilli kasta iimaam metelaya ama wakiil ka ah Nebi Maxamed (scw), kaas oo ah hoggaamiye siyaasadeed, iyo fiqiyahan Quraanka fasira (sir iyo caadba), isla markaana ay adeecistiisu waajib tahay sida addeecista Rasuulka. Iimaamkii 12aad Maxamed binu Xasan oo ay Shiicada Laba iyo Tobanleyda ahi aamminsan yihiin inuu yahay iimaamkii ugu danbeeyay iyo Mahdigii la sugayay, wuxuu dhuuntay sannadkii 941 M. Waqtigaas kadib waxa go’ay xidhiidhkii tooska ahaa ee lala lahaa, waxaana bannaanaatay kaalintiisii hoggaaminta siyaasadda iyo shareecada.

7. Sahyuuniyadda Diineed haddii ay dhaqdhaqaaqooda sees uga dhigeen inaan la sugin Masiixa Yuhuudda, ee la abuuro duruufihii iyo deegaankii uu ka talin lahaa, sidaas oo kale Kacdoonka Khumayni ee Iiraan oo ay hoggaamiyaan “Taliska Wadaaddada Fiqigu”, iyaguna waxay ka duulayaan fikrad taas la mid ah, oo ah inaan Mahdiga fadhiga lagu sugin, ee loo gogolxaadho imaatinkiisa, isla markaana la dhiso awood dawladeed, oo lagu wareejin doono marka uu soo baxo, si uu caalamka xaqa ugu soo dabbaalo.

8. Waxay u arkaan xagjirka Shiicada Labiyo Tobanlaydu in dhismaha dawlad Islaami ah oo xooggan oo Iiraan laga dhisaa ay tahay tallaabada koowaad ee soo banbaxa Mahdiga. Tallaabada labaadna waxay ku sheegeen inay tahay xoraynta Quddus iyo burburinta Israa’iil. Maadaama oo ay Shiicada Labiyo Tobanleyda ahi ay isu arkaan inay yihiin muslimiinta dhabta ah ee calanka u sida ‘’Garabka Xaqa”, isla markaana la gaadhay ammintii soo banbaxa Mahdiga iyo dagaallada aakhirusamaanka, mashruucooda waxay ku fidiyeen dalka Ciraaq, Suuriya, Yaman iyo Lubnaan; sida oo kale waxay taageeraan kooxaha iskacaabbinta ee reer Falasdiin.

9. Waxa maangad ah Mahdiga uu Nebigu (scw) ugu bushaareeyay muslimiinta aakhirusamaanka magaciisa waxa la yidhaahdaa Maxamed binu Cabdillaahi, Mahdiga Shiicadana waxa la yidhaahdaa Maxamed binu Xasan. Mahdiga uu Nebigu (scw) muslimiinta ugu bushaareeyay weli muu dhalan, Mahdiga Shiicada ee dhuuntayna maanta cimrigiisu wuxuu ka weyn yahay kun sanno. Sidaa darteed, halxidhaalaha aakhirusamaanku waa kalagarashada Mahdiga runta ah iyo Mahdiga foojariga ah?!

_______

WQ: Cali Ileeye

Qoraa, abwaan, turjumaa iyo gorfeeye wax ka qora arrimaha suugaanta, diimaha, siyaasadda, horumarinta nafta iyo wacyiga.