U bood dhigaalka

HAWADA SOOMAALIYA: MARINKA BADBAADADA EE DUULIMAADYADA DUNIDA

Aw Dacar
Qeybta: Amniga iyo Dawladdhiska
Abriil 21, 2026

Hordhac Kooban

Warbixintan xiisaha leh waxaa lagu daabacay degelka Independent Arabia, oo ah madal warbaahineed oo fadhigeedu yahay magaalada London, laguna aasaasay iskaashi dhex maray jariidadaha caanka ah ee The Independent iyo shirkadda SRMG. Warbixintu waxay soo baxday maalin Khamiis ah, oo ay taariikhdu ku beegnayd 5ta Maarso, 2026, xilli ay taagnaayeen isbeddello waaweyn oo dhinaca juquraafi-siyaasadeedka iyo duulista caalamiga ah.

Waxaa nuxurkan iyo xogtan baaxadda leh ururiyay oo qalinka u qaatay suxufiga caanka ah ee Soomaaliyeed, Cali Cabdi. Cali wuxuu si qotodheer u lafagurayaa sida casriyaynta nidaamka Raadaarka ee garoonka Muqdisho iyo taageerada xulafada caalamiga ahi ay albaabada ugu fureen in shirkadaha caymiska adduunka ay kalsooni buuxda ku qabaan hawada Soomaaliya, taasoo meesha ka saartay xayiraadihii muddada dheer jiray.

Haddaba artikalkan oo asalkiisa carabi ahaa, waxaan ku samaynayaa sookoobis iyo turjumaad kooban oo lagu falanqaynayo nuxurka warbixintaas. Ujeedadu waa in la iftiimiyo sida Soomaaliya ay uga faa’iidaysatay xasaradaha gobolka, iyadoo isticmaalaysa madaxbannaanideeda hawadeeda iyo horumarka farsamo ee ay gaartay, si ay u noqoto halbowlaha badbaadada ee duulimaadyada isku xira qaaradaha adduunka.

Mucda Maqaalka

Dhacdooyinkii u dambeeyay iyo colaadda ka aloosan bariga dhexe, gaar ahaan dalka Iiraan, waxay caddayn u yihiin in Soomaaliya aysan maanta u taagnayn oo kaliya qaadista lacagaha laga qaado diyaaradaha maraya hawadeeda, balse ay sidoo kale u taagan tahay in si guul leh ay u maamushay culays dhinaca hawada ka jiray. Tani waxay timid kadib markii dalku xoojiyay madaxbannaanidiisa, laguna sameeyay maalgelin toos ah oo beddeshay khariidadda dhaqaalaha iyo siyaasadda ee gobolka. Ururka Caalamiga ah ee Duulista Hawada International Civil Aviation Organization (ICAO) ayaa ku bogaadiyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed sida ay u maamushay saxmadda duulimaadyada ee ku soo kordhay, iyadoo aysan dhicin wax shilal ama cillad farsamo la xiriira.

Xilli ay hawada Bariga Dhexe ka guuxayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) iyo gantaallada riddada dheer, qolalka hagidda duulista ee Muqdisho waxay ku jireen xaalad heegan ah oo faa’iido badan. Signaliska ka iftiimaya shaashadaha raadaarku ma ahayn kaliya diyaarado gudbaya, balse waxay ahaayeen il dhaqaale oo qulqulaysa iyo astaamo madaxbannaani oo dib u qeexaya miisaanka awoodeed ee ay Soomaaliya ku leedahay Geeska Afrika. Intii Tehraan ay wajahaysay go’doon xagga hawada ah, Muqdisho, iyadoo gacan ka helaysa xulafadeeda istiraatiijiga ah, waxay isu beddeshay marinka badbaadada ee ay maraan duulimaadyada caalamiga ah ee isu mara Bariga iyo Galbeedka dunida.

Xasaradda Iiraan waxay Soomaaliya u horseeday il dhaqaale iyo mid gobanimo oo aan la arag tobanaan sano. Diyaarad kasta oo marta hawada Soomaaliya waxay khasnadda dawladda ku shubaysaa “khidmadda hawamarista”, xilli dalku uu ku jiray halgan dib loogu dhisayo qarannimadiisa iyo kaabayaashiisa dhaqaale.

Markii lagu dhawaaqay in qaybo kamid ah Gacanka Carabta ay yihiin aagag dagaal, shirkadaha waaweyn sida Lufthansa, Saudi Airlines, Qatar Airways, Emirates, iyo Air India ma haysan dookh kale oo aan ahayn inay dhinaca koonfureed ee Badweynta Hindiya ka wareegaan, iyagoo adeegsanaya hawada Soomaaliya. Isbeddelkan qasabka ah ma ahayn uun mid waddo beddelasho ah, ee wuxuu ahaa dib u qaabaynta dhaqaalaha duulista adduunka.

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay maamulka hawadeeda (heerka A) bishii Janaayo 2023, waxay si lamafilaan ah u maamushay dhaqdhaqaaqii duulimaad ee taariikh ahaan u xaroon jiray khasnadaha Tehraan iyo Baqdaad. Waxaa la casriyeeyay nidaamka Raadaarka ee Garoonka Muqdisho, si uu u waafaqo heerarka nabadgelyada duulimaadyada dunida. Tani waxay keentay in shirkadaha caymisku ay ka qaadaan xayiraaddii saarnayd hawada Soomaaliya, taasoo Muqdisho ka dhigtay mid farsamo ahaan diyaar u ah inay qaabisho “duulimaadyada diyaaradaha” ee ka soo cararaya dagaalka bariga dhexe.

Dakhliga Duulista Hawada Soomaaliya

Sida ay muujinayaan tirooyinka ay helayso “Independent Arabia”, hawada Soomaaliya waxay gashay casrigii dahabiga oo ah dhinaca maaliyadda iyo duulista ah. 72-dii saac ee la soo dhaafay, waxaa hawada dalka maray in ka badan 4,480 diyaaradood, iyadoo celceliska caadiga ah uu ahaa 615 duulimaad maalintii. Maalintii Sabtida ee la soo dhaafay, waxaa maray 1,290 diyaaradood, halka 1dii Maarso la diwaangeliyay rikoorkii ugu sarreeyay taariikhda oo gaaray 1,540 duulimaad. Xilliyada saxmadda ugu badan, waxaa saacaddiiba gudbayay 110 diyaaradood, taas oo ah heerkii ugu sarreeyay ee abid la arko.

Dhinaca dakhliga, saddexdii maalmood ee u dambeeyay waxaa khasnadda dawladda ku soo dhacay 2.14 milyan oo doollar, taas oo ah koror dhan 115 marka la barbardhigo sannadkii hore. Marka la eego miisaaniyadda, dakhliga duulista ee sannadkii 2025 wuxuu ahaa 108 milyan oo doollar, balse marka loo eego xawaaraha hadda socda, waxaa la filayaa in dakhligu uu dhaafi doono 230 milyan oo doollar. Tani waxay ka dhigan tahay in waaxda duulista ay sanadkan dabooli doonto ku dhowaad 15% miisaaniyadda guud ee dawladda Soomaaliya.

Horumarkan ma ahayn mid ku yimid fursad kaliya, balse wuxuu dhashay kadib iskaashi heer sare ah oo dhex maray Muqdisho iyo Riyaad. Khad toos ah oo isgaarsiineed ayaa loo furay wasaaradaha gaadiidka ee Soomaaliya iyo waddamada Khaliijka si loo fududeeyo socodka diyaaradaha dalalka xulafada ah. Ururka Midowga Afrika iyo ururrada duulista ayaa xaqiijiyay in marinka Soomaaliya uu shirkadaha ka badbaadiyay 40% oo kharashka shidaalka ah, kaas oo uga bixi lahaa haddii ay ku wareegi lahaayeen bartamaha Afrika ama barafka waqooyi.

Shirkadaha caymiska adduunka ayaa lacago xaddhaaf ah dul dhigay diyaaradaha mara hawada Iiraan iyo Ciraaq, halka hawada Soomaaliya loo aqoonsaday marin nabdoon oo heerkiisu sarreeyo. Diyaaradaha dalalka Khaliijka ayaa door weyn ku leh isbeddelkan, iyadoo 1,560 diyaaradood oo laga leeyahay dalalkaas ay isticmaaleen hawada Soomaaliya 72-dii saac ee u dambeeyay, taas oo ka dhigan in 42% dhammaan duulimaadyada mara dalka ay yihiin kuwa Khaliijka.

Soomaaliya waxay hirgelisay nidaamka “Qiimaynta Isbedbedela” si loo maareeyo saxmadda. Diyaaradaha waaweyn waxaa laga qaadaa 560 doollar, iyadoo lagu darayo 150 doollar oo dheeri ah xilliyada saxmadda iyo 100 doollar oo loogu talagalay “Marinka Degdegga ah”. Si kastaba ha ahaatee, diyaaradaha dalalka xulafada ah ayaa laga dhowray lacagaha dheeriga ah iyadoo lagu tixgelinayo heshiisyada istiraatiijiyadeed, taas oo ka dhigaysa in kharashkoodu uusan dhaafin 280 doollar, halka diyaaradaha Yurub iyo Eeshiya ay bixinayaan illaa 810 doollar diyaarad kasta xilliyada saxmadda.

Dhaqdhaqaaqyo Ka Dhan Ah Hawada Soomaaliya

Ilawareedyo diblomaasiyadeed oo sarsare ayaa kashifay inay jiraan dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah oo ay Iiraan ka dhex waddo gobolka Geeska Afrika, iyadoo adeegsanaysa wakiillo iyo shaqsiyaad siyaasiyiin ah, si ay u curyaamiso fududaynta ay Soomaaliya u samaynayso xulafadeeda. Tehraan waxay doonaysaa inay cadaadis ku saarto Muqdisho si ay uga jawaabto mowqifka midaysan ee dalalka Khaliijka iyo Carabta. Si kastaba ha ahaatee, dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa bixisay jawaab adag, iyadoo ku adkaysatay in maamulka hawadu yahay go’aan qaran oo aan gorgortan geli karin.

Guusha Soomaaliya ma ahayn mid fursad ku timid, balse waxaa xoojiyay iskaashiga dhinaca ammaanka iyo saldhigyada milatari ee ku yaalla badda cas iyo xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo ka gaashaamay isku-dayo ay Iiraan ku doonaysay inay carqaladayso ama khalkhal geliso qalabka isgaarsiinta iyo raadaarka dalka. Maadaama Soomaaliya ay raacday halbeegyada caalamiga ah, shirkadaha duulista ma helin marmarsiinyo ay kaga leexdaan hawada dalka, taas oo Soomaaliya ka dhigtay “Kanaalka Suweys ee dhinaca hawada” oo aan laga maarmi karin.

Iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa fashiliyay qorshahay Iiraan ku doonaysay inay ku go’doomiso diyaaradaha dalalka Khaliijka. Diyaaradaha Sacuudiga oo kaliya ayaa hawada Soomaaliya u isticmaala si la mid ah “buundo haweed”, iyagoo sameeya celcelis ahaan 280 duulimaad maalintii. In kasta oo ay jiraan isku-dayo lagu doonayo in lagu curyaamiyo raadaarka ama la kiciyo xasarado gudaha ah, si loo kala qaybiyo go’aanka qaranka, haddana Soomaaliya waxay heshay taageero caalami ah oo looga soo horjeedo faragelintaas.

Masuuliyiinta duulista Soomaaliya waxay rumaysan yihiin in waxa ay Muqdisho qabatay ay tahay guul u soo hoyatay siyaasadda isgaashaysiga walaaltinimada leh. Intii Iiraan ay dunida u soo bandhigaysay gantaallo nolosha curyaamiya, Soomaaliya waxay dunida u soo bandhigtay marinno nabdoon oo kobciya dhaqaalaha. Milyanada doollar ee maanta khasnadda dalka ku dhacaya ma ahan kaliya lacag canshuur ah, balse waa “ballanqaad kalsooni” oo dunidu ku qabto awoodda dawladda Soomaaliya ee ku aaddan ilaalinta danteeda iyo tan xulafadeeda, taas oo ka dhigtay waaxda duulista mishiinka koowaad ee dhaqaalaha cusub ee Soomaaliya sannadka 2026.