Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gaaray Sanaag xilli ay weli taagan yihiin su’aalo la xiriira ballan-qaadyadii uu sameeyay xilligii doorashada ee ku wajahnaa horumarinta iyo xasilinta gobolkaasi.
Wararka laga helayo Sanaag ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu halkaasi ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo odayaasha dhaqanka, waxgaradka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhagaysto cabashooyinka iyo aragtiyaha dadka deegaanka.
Kulamadan ayaa ah kuwo muhiim u ah sidii loo yareyn lahaa tabashooyinka siyaasadeed ee ka jira gobolka, xilli madaxweyne Deni uu dhowaan ballanqaaday inuu saami kordhin siyaasadeed u samayn doono gobolkaas.
Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka Sanaag uu ka jiro kala qeybsanaan siyaasadeed, iyadoo qaybo ka mid ah bulshada ay taageersan yihiin maamulka Puntland, halka kuwo kalena ay u janjeeraan dhinaca waqooyi Bari.
Muxuu daarranyahay Safarka Madaxweyne Deni ee Gobolka Sanaag ?
Abriil 27, 2026