U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni ” Wixii ka dambeeya 15-ka May ma jiri doonto DFS haddii aan xal la gaarin”

Abriil 28, 2026

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlayay gobolka Sanaag oo uu safar ku joogo ayaa  ka digay in dalka uusan yeelan doonin dowlad federaal ah wixii ka dambeeya 15-ka May haddii aan xal laga gaarin khilaafaadka jira ee doorashada.

Deni ayaa sheegay in waqtigaasi uu yahay mid xasaasi ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada kala duwan, ay meesha ka bixi karto jiritaanka dowlad federaal ah oo mideysa dalka. “15-ka May ka dib ma jirto dowlad Soomaaliyeed haddii aan xal la gaarin,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale cadeeyay in maamulka uu hoggaamiyo uu diyaar u yahay inuu qaato go’aano u gaar ah oo lagu difaacayo danaha Puntland iyo midnimada dalka.

Hadalka Deni ayaa ku soo beegmaya xilli uu kulamo kala duwan la qaadanayo odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee gobolka Sanaag, halkaas oo uu ka dhageysanayo aragtiyaha bulshada ee ku aaddan mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo kaalinta Puntland.