U bood dhigaalka

Markab nooca shidaalka qaada ah oo lagu afduubtay Xeebaha dalka Yemen

Maajo 2, 2026


Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in markabka lagu M/T EUREKA oo ah nooca shidaalka qaada, islamarkaana laga leeyahay dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta halkaas lagu afduubtay.


Markabkan ayaa lagu afduubtay xeebaha gobolka Shabwa ee koonfurta Yemen, sida ay Sabtidii shaaciyeen ciidamada ilaalada xeebaha Yemen.


Bayaan ay soo saareen ilaalada xeebaha ayaa lagu sheegay in rag hubeysan oo aan weli la aqoonsan ay fuuleen markabka, kadibna ay si buuxda ula wareegeen gacan ku hayntiisa, iyagoo u weeciyay dhinaca Gacanka Cadmeed kuna sii jeeda biyaha Soomaaliya.


Mas’uuliyiinta Yemen waxay sheegeen in goobta markabka hadda ku sugan yahay la ogaaday, islamarkaana ay socdaan howlgallo lagu daba joogo si dib loogu soo celiyo markabka loona xaqiijiyo badqabka shaqaalaha saaran.


Afduubka maraakiibta ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, taas oo kordhisay walaaca laga qabo amniga gaadiidka badda ee adeegsanaya marin biyoodka Baabul Mendab.