Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Abdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay inuu weli yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, xilli uu wareysi bixiyay asagoo jooga magaalada Nairobi.
Laftagareen ayaa sheegay in uu weli yahay madaxweynaha sharciga ee Koonfur Galbeed, islamarkaana aanu weli ka tanaasulin mowqifkiisa siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
Wuxuu xusay in weerar iyo duullaan lagu soo qaaday magaalada Baydhabo uu sababay inuu deegaanka isaga baxo si looga baaqsado in shacabka lagu dul dagaalamo sida uu hadalka u dhigay.
Hadalka Laftagareen ayaa imanaya xilli dhowaan dawladda federaalka Soomaaliya ay ka saartay magaalada Baydhabo, islamarkaana halkaas hadda ay ka socato doorasho qof iyo cod oo ay hoggaaminayso DFS.
.