Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta iyo Xallinta Khilaafaadka maamulkaasi.
Guddigan cusub oo ka kooban 13 xubnood, una badan odayaal dhaqameed, ayaa loo xilsaaray ka shaqeynta dib-u-heshiisiinta bulshada, xallinta khilaafaadka jira, iyo taageeridda geeddi-socodka siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed.
Magacaabista guddigan ayaa ku soo beegmaysa xilli siyaasadda deegaannada Koonfur Galbeed ay ku jirto marxalad kala guur ah, kaddib markii uu dhowaan meesha ka baxay maamulkii hore ee muddo toddobo sano ah hoggaaminayay maamulkaasi.
Sidoo kale, tallaabadan ayaa imanaysa iyadoo la filayo in 10-ka bishan ay deegaannada Koonfur Galbeed ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo si weyn isha loogu hayo, maadaama ay noqon karto mid door muhiim ah ka ciyaarta mustaqbalka siyaasadeed ee maamulkaasi iyo guud ahaan geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka Somalia.